Rag afduub u geystay ilmo yar oo Muqdisho lagusoo bandhigay-Dhageyso

Published: September 1, 2018

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen labo nin, kuwaasoo ilmo yar kasoo Afduubtay Xaafad ku taalla degmada Hodan.

Raggaan ayaa ilmaha yar geeyay Xaafad kale oo ka tirsan degmada Hodan, waxaana ciidamada Booliska oo ay soo gaartay in ilmaha yar la Afduubtay ay sameeyeen howlgallo ay kusoo qabteen raggii Falkaasi sameeyay.

Qaasim Axmed Rooble Afhayeenka Ciidamada Booliska ayaa sheegay labada nin iyo ilmaha yar ee ay soo afduubteen in ciidamada ay gacanta ku dhigeen, islamarkaana hadda ay ku xiran yihiin xarunta dambi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID.

Wuxuu ku sheegay magacyadda raggaan Xasan Yaasiin Cabdi iyo Mahdi Tahliil Maxamuud.

Afhayeenka ayaa sidoo kale Warbaahinta u sheegay in dhawaan Maxkamad lasoo taagi doona, islamarkaana sharciga la marsiin doono.

Hoos ka dhageyso codka afhayeenka ciidanka Booliska

Horseed Media 2018

 

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *