Tababar la xiriira arimaha dastuurka oo Jowhar lagu qabtay-Sawiro

Published: September 1, 2018

Waxaa magaalada Jowhar ee Casimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeella ka furmay tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka oo ay wada qabanayaan Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradda Arimaha Dastuurka iyo Federaalka ee Hirshabeelle.

Ugu horeeyn waxaa tababarka furay Wasiirka Arimaha Dastuurka ee Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan wuxuuna uga mahadceliyay wafdiga Wasaaradda Dastuurka ee XFS sida ay ugu soo diyaargarooween in Hirshabeelle lagu qabto tababarakan, sidoo kale Wasiirka wuxuu si qoto dheer uga hadlay wadashaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Xamse Cabdi oo kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa sheegay in tababarka maanta ay qaadan doonaan Bulshada Rayidka Hirshabeelle kadibna ay qaadan doonaan xubno ka socda hay`adaha dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Ugu dambayn, xubno ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada Hirshabeelle ayaa maanta magaalada Jowhar uga bilaabmay tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *