Eng. Maxamuud Khaliif Xasan oo si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu yahay Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019 -SAWIRO

Published: September 2, 2018

Eng. Maxamuud Khaliif Xassan oo loo yaqaan Eng. Jebiye ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu ka qaybgalaya tartanka doorashada Madaxweynaha Puntland ee dhacaysa bisha janaayo 2019.

Xadflad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa habeenkii xalay ka dhacdey Hotel ku yaala banaanka magaalada Minneapolis. Xafladda waxaa ka soo qaybgalay dad ku dhaw 600 oo qof oo reer Puntland iyo bulshada Soomaaliyedba ah.

Munaasabadan waxaa khudbado ka jeediyey, xubno meteli kara bulshada gobolka Minnesota iyo weliba siyaasiyiin Soomaali-Ameerikaan ah oo la soo doorto waxaana kamid ahaa, Ilhaan Cumar oo hadda ah Xildhibaan heer gobol oo bisha Nofeembar la sugaayo in ay dhigto taariikh cusub iyada oo noqon karta gabadhii u horeysey ee Muslim ah ama Soomaali ah ee aqalka Kongresska Maraykanka loo doorto, sidoo kale waxaa kamid ahaa martida Cabdi Warsame oo Mayor ka ah mid kamid ah degmooyinka Minneapolis, Maxamuud Nuur , Hodan Heelo, Peter McLaughlin oo kamid ah komishanka Minneapolis iyo siyaasiyiin kale.

Siyaasiyiinta Soomaalida ah ee ku jira siyaasada Maraykanka ayaa sheegay in dhamaantood si isku mid ah Maxamuud Khaliif oo ku taageeray ololahoodi doorashada, kuna bixiyey dhaqaale, sidaas si lamid ahna ay maanta u taageerayaan oio ay gudayaan abaalkii uu galay, waxay ku tilmaameen, shakhsi aan amrna ka aharin barnaamijyada arrimaha Soomaalida, markastana heegan ah.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtey in Maxamuud Khaliif uu yimid Maraykanka isaga oo aan waxba haysan, kadib dedaal uu sameeyey gaarey magac wanaagsan, maanta ma ahan Milyaneerada Minnesota oo keliya ayey tiri ee waxa uu kamid yahay ayey tiri Milyaneerada Ameerika.

Maxamuud Khaliif Xasan oo khudbadii lagu soo xirey xafladda jeediyey ayaa ka hadley dhinacyo badan. Ugu horeyntii ayuu sheegay in ay sameeyeen cilmi baaris Puntland ku aadan taas oo la xiriirta, maamulka, Amaanka, Waxbarashada, Dhaqaalaha, Adeega bulshada iyo maamul-wanaaga. Wuxuu carrabka ku dhuftey in ay Puntland ka jiraan caqado badan oo is biirsadey kuwaas oo soo socdey mudadii maamulka Puntland dhisnaa, ayna u baahan tahay in wax laga qabto.

Maxamuud Khaliif ayaa khudbadiisa ku soo qaatey waxa uga qorsheysan haddii loo doorto Xafiiska Madaxweynaha Puntland 2019, waxyaabaha uu muhimadda kowaad siinaayo oo ay kamid yihiin Ciidamada, Cadaalada, Adeega bulshada iyo maamul-wanaaga.

Ugu danbeyntii ayuu yiri:

Kadib markii aan safaro ku bixiney dalka, markaan wada tashi la sameyney dadka waxgalka ah ee reer Puntland, waxay soo jeediyeen in maanta loo baahan yahay in aan u istaago u adeegida bulshada Puntland, kana qayb-qaato sidii Puntladn waddo wanaagsan loogu horseedi lahaa, sidaas darteed, waxan caawa ku dhawaaqayaa in aan ajiibey baaqiini iyo taladiini waxaana ahay Musharax u taagan tartanka doorashada Puntland 2019, waxaana idinka codsan in aad nagu taageertaan.

Musharax Maxamuud Khaliif Xasan ayaa ah maalqabeen ganacsiyo kala duwan ku leh Ameerika iyo Afrika, wuxuu sheegay in Puntland aanu xoolo ka dooneyn ee doonayo in uu u adeego magacna taariikhda ku reebo.

Maxamuud Khaliif sidoo kale waxa uu kamid yahay muxsiniinta ama dadka deeqda ku bixiya arrimaha bini’aadanimada, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo weliba difaaca.

Doorashada Puntland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 8 Janaayo 2019, waxaana Madaxweynaha soo dooranaya markii afaraad 66 Xildhibaan oo beeluhu iska soo xuleen.

Horseed Media
Sawirada, Zakeriye Xaayow
Minneapolis, Minnesota

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *