Horseed Media

Madaxweyne Gaas oo u ambabaxay Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Jubbaland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dhoofay garoonka diyaradaha Gen,Maxamed Abshir.

Madaxweyne Gaas oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan golayasha dowladda ayaa u baxay magaaladda Kismaayo oo uu ka furmayo shirka Madaxda dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Faderalka Somaliya.

Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay in uu wafdigiisu ka qaybgalayo shirka kismaayo oo soconaya mudo 4 cisho ah,waxaana uu sheegay in ajandayaasha ay kamidyihiin qaybsiga kheyraadka,Nabadgelyadda,Doorashooyinka,Dastuurka qabyada ah iyo wixii ka qabsoomay heshiisyadii shirkii hore.

Madaxweynuhu waxaa uu xusay in uu rajo wanaagsan ka qabo in shirka ay kazoo baxaan talooyin iyo qodobo muhiim u ah hanaanka geedi socodka soomaaliya.

Horseed Media.net