Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday xaruntii degmada Howl Wadaag

Published: September 2, 2018

Qarax xoogan ayaa lagu weeraray xarunta degmada Howl wadaag ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoo qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay
.
Inkastoo aan weli la heyn tirada dhimasho iyo dhaawac ee qaraxa ka dhashay, hadana waxaa la sheegayaa in dhimashada ay gaareyso ugu yaraan shan ruux.

Qaraxa ayaa bur-buriyay dhammaan xarunta degmada.

Qof Goob jooge ah ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa uu bur-buriyay guryo dad rayid degenaayeen, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin qarax lala beegsaday xaruntiidegmada Howl wadaag

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *