Horseed Media

Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday xaruntii degmada Howl Wadaag

Qarax xoogan ayaa lagu weeraray xarunta degmada Howl wadaag ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoo qaraxa uu ahaa  mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay
.
Inkastoo aan weli la heyn tirada dhimasho iyo dhaawac ee qaraxa ka dhashay, hadana waxaa la sheegayaa in dhimashada ay gaareyso ugu yaraan shan ruux.

Qaraxa ayaa bur-buriyay dhammaan xarunta degmada.

Qof Goob jooge ah ayaa warbaahinta u sheegay  in qaraxa uu bur-buriyay guryo dad rayid degenaayeen, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin qarax lala beegsaday xaruntii degmada Howl wadaag

Horseed Media 2018