Agaasime cusub oo loosoo magacaabay waaxda cashuuraha beriga gobolka karkaar.

Published: September 3, 2018

Munaasabad kooban oo ka qabsoontay xarunta wasaarada maaliyada ee Qardho ayaa waxaa si rasmiya xilka agaasimaha waaxda cashuuraha beriga loogu wareejiyay cabdirasaaq islaan yaasiin, madaxda gobolka karkaar kan degmada Qardho , xisaabiyaha wasaarada maaliyada gobolka karkaar iyo shaqaalaha wasaarada ayaa munaasabada xil wareejinta ka hadlay.

Cabdiraaq Cali Cartan xisaabiyaha wasaarada maaliyada iyo duqa degmada Qardho oo goobta ka hadlay waxay soo dhaweeyeen xisaabiyaha cusub waxayna rabi uga baryeen in uu xilka uu qaadey ku asturo, sidoo kale waxa ay sheegeen in looga baahan yahay cabdirasaaq horumarinta waaxda canshuuraha beriga.

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdilaahi Maxamed Barre oo goobta ka hadlay waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in dhalinyarada lagu aamino xafiisyada waaweyn, waxa uuna agaasimaha cusub kula dardaarmey in uu dardargeliyo shaqooyinka wasaaarada ee horyaala.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *