R/wasaare Kheyre oo la taliye sare u magacaabay Dr.Baadiyow

Published: September 3, 2018

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra`iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa DR Cabduraxmaan Cabdulaahi Macalin Baadiyow loogu Magacaabay La-Taliyaha sare R/wasaaraha ee Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta.

Ra`iisul wasaare Xasan Cali Kheyre markuu tixgaliyay Baahida loo qabo in la magacaabo La-taliye sare oo Khibrad u leh Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta, markuu arkay Qodobada Dastuurka ee kala ah Qodobka 99-aad (A) (D) iyo Qodobka 100-aad (A) (D) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Marku arkay Taariikh Nololeedka (CV), Kartida, Aqoonta iyo Waaya arragnimada Mudane DR Cabduraxmaan Cabdulaahi Macalin Baadiyow wuxuu u magacaabay Magacaabay La-Taliyaha sare R/wasaaraha ee Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta.

Mudane DR Cabduraxmaan Cabdulaahi Macalin Baadiyow ayaa ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee doorka weyn kasoo qaatay Dib u heshiisiinta, Horumarinta Waxbarashada iyoBulshada intii dalka uu ku jiray Burburka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *