Axmed Siciid Muuse Duqa cusub ee Caasimadda Puntland oo xilka la wareegay.

Published: September 4, 2018

Garowe (HM):- Duqa Caasimadda Puntland ee dhawaan la doortay Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa xilka degmadda si rasmi ah ula wareegay.

Munasabad si balaran loosoo agaasimay ayna kazoo qaybgaleen hay,adaha dowladda Puntland,Saladiinta dhaqan,Ganacsatada,Haweenka iyo qaybaha bulshada,waxaana si waafi looga hadlay sidii gacan loosiin lahaa golaha degaanka cusub ee uu hogaaminayo duqa cusub.

Axmed Maxamed Ducaale (Ayax ) oo si kumeer gaar ah u hayey xilka duqa ayaa ka hadlay wixii u qabsoomay,caqabadihii,qorshayaasha degmadda intii uu joogay xafiiska degmadda Garoowe.

Axmed Ayax Waxaa uu sheegay in magaaladani tahay caasimadii Puntland sidaa awgeedna loo bahanyahay in xil weyn la iska saaro sidii la isaga kaashan lahaa ilaalinta nabadgelyadda,Bilicda,horumarinta iyo guud ahaan baahiyaha caasimadda.

Ayax waxaa uu ka hadlay dhibaatooyinka dhaca ee amnigu kamidka yahay in ay salka ku hayaan dhaqaale yari haysatada degmadda,iyadoo aanay helin dhaqaalihii kabista caasimadda oo u bahan in raadintiisu u taal waxgarad magaalada oo ay uGu horeeyaan saladiinta dhaqanku.

” Markii aan imid waxaa la igu wareejiyey lacag dayn ah oo dhan $70.945 iyo 234 malyan oo shilin soomaali ah,maantana waxaan wareejinayaa $100,000 boqol kunoo ay ku jirto tii hore,daymaha iyo dakhliga oo yari waxay caqabad kuyihiin howlihii horumarineed ee degmada laga filayey.waxayna saldhig u tahay nabadgelyo xumo iyo dibu dhac horumarka degaanka”Axmed Ayax.

Duqa Cusub Axmed Siciid Muuse (Axmed barre) waxaa uu isna ka hadlay sida uu ukala hormarinayo howlaha baxada leh ee hor yaal,waxaana uu codsaday in gacmaha la isqabsado oo gacan lagu siiyo sidii loo dardargelin lahaa barnamijyadda horumarineed ee loo igmaday golaha degaanka uu hogaaminayo.

Horseed Media.net

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *