Cabdulahi Gaafow oo ku guuleystey kursigii wiilkiisi Baarlamaanka ka baneeyey

Published: September 4, 2018

Doorashada kursi ka mid ah Kuraasta ka banaanaa Golaha Shacabka oo deegaan doorashadiisuna ay ahayd magaalada Dhuusomareeb ayaa goordhawayd lasoo gaba gabeeyay.

Doorashada kursiga ka banaaan golaha shacabka oo saakay ka bilaabatay magaalada Dhuusomareeb ayaa waxaa ku tartamayay agaasimihi hore ee hay’adda nabadsugida Soomaaliya Cabdulaahi Gaafow Maxamud iyoXiireey Muxudiin Cumar oo horey usoo noqday guddoomiyihii degmada deyniile ee gobolka Banaadir.

Musharixii Cabdulaahi Gaafow kula tartamayay kursiga xildhibaanimo ee golaha shacabka ayaa inta aysan bilaabin codeynta doorashada iska casilay isagoona ergada doorashada ka hor sheegay in uu u tanaasulay musharaxa uu kula tartami lahaa doorashada ee Cabdulaahi Gaafow Maxamuud.

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka madaxa banaan Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in codeynta doorashada la guda galayo iyadoo aysan jirin musharax labaad oo tartamaya ,waxaana sidaasi loo guda galay codeynta doorashada kursiga xildhibaanimo ee golaha shacabka.

Kursiga Gaafow maanta ku guulesyety waxaa u hayey uu maalmo ka hor iska casiley wiilkiisa Xildhibaan Cabdiqaadir Gaafoow.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *