Horseed Media

Diiwaanka Musharixiinta Puntland 2019: Siciid Cabdullaahi Deni

Diiwaanka Musharixiinta doorashada Madaxweynaha Puntland 2019 waxaan todobaadkan ku soo qaadaneynaa siyaasi Siciid Cabdullaahi Maxamed (Siciid Dani), waxa aan ka ognahay taariikhdiisa, iyo sooyaalkiisa siyaasadeed. Todobaadkii hore waxaan diwaanka Musharixiinta 2019 ku soo qaadaney Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas oo aan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin musharaxnimadiisa, sababta aan ku dooraney Siciid Cabdulaahi Dani in u noqdo qofka labaad ayaa ah in uu kamid ahaa musharixiinta xili hore bilaabey ololaha doorashada.

Siyaasi Siciid Cabdulaahi Dani

Si kooban Waa kuma Siciid Dani?

Siciid Cabdilaahi Maxamed (Dani) waxa uu ku dhashey magaalada Muqdisho sanadkii 1967 (51 sano jir), waxbarashadiisa hoose waxa uu ku qaatey magaalada Muqdisho, kadib waxa uu galay Jaamacadii Ummada, kuliyadda luuqadaha?, waxbarashadiisa sare ama heerka labaad ayuu ku qaatey jaamacad ku taala dalka Malaysia.

Siciid Cabdulaahi Dani waxa uu kamid ahaan jirey ururkii Ikhwaanu Muslimiin ee ka hana qaadey dalka Masar, garabkiisa Soomaaliya ee al-Islaax, waxa uu kamid ahaa xubnaha ugu firfircoon ee gobolada Puntland (ex-Waqooyi Bari), Sidoo kale Siciid Dani waxa uu kamid aha asaasayaashii Hay’ada Tadaamun sanadkii 1992 hay’adaas oo markii danbe noqotey hay’ad kheyri ah oo ka qaybqaadata hormarinta arimaha bulshada.

Siyaasi Siciid Cabdulaahi Dani ayaa qaybweyn ka soo qaatey arimaha bulshada gaar ahaan waxbarashada waxaana uu kamid ahaa kooxdii dhidibada u taagey iskoolka Hoose/Dhexe/Sare ee Imaam Nawawi ee magaalada Boosaaso, kaas oo la asaasey xili waxbarashada dalku aad u liidatey, waxaana uu mar noqdey maamulaha iskoolkaas oo ay ka qalin jebiyeen kumaankun ardey ah.

Siciid Cabdulaahi waxa uu kamid ahaa asaasayaashii shirkadda ganacsiga guud ee Towfiiq oo kamid ah shirkadaha ugu waweyn Puntland.

Soo gelitaankiisi siyaasada

Siciid Dani marka laga yimaado in uu ahaa ganacsade iyo nin ka shaqeeya arrimaha bulshada gaar ahaan waxbarashada, waxa uu kamid ahaa kuwa ka agdhaw siyaasada, waxaana uu kamid ahaa kooxdii ganacsatada ahayd ee taageeri jirtey ama la taliyaasha u ahaa maamulkii Kornayl Jaamac Cali Jaamac ee mar Boosaaso ka taliyey mudo sagaal bilood ah 2001-2002, waxaana arintaas ku weheliyey Faarax Maxamed Siciid (Faarax Dheere) oo kamid ahaa asaasayaashii shirkada Towfiiq, waxaana askartii Cabdullaahi Yusuf ku dileen Garoowe sanadkii 2001, Faarax Dheere iyo kooxda kale ee Siciid Cabdulaahi waxaa golaha wasiiradii Jaamac Cali Jaamac u metelaayey Maxamuud Warsame Faarax oo loo yaqaan Maxamuud Shiddo oo ahaa Wasiirkii Maaliyada ee Jaamac Cali Jaamac, markii danbena kamid noqdey Jamhadii GBB ee Cadde Muuse hoggaamin jiray.

2009: Doorashadii Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee baarlamaankii 550 ay u doorteen Madaxweyne, kadib markii uu iscasiley Cabdullaahi Yusuf Axmed, ayaa isaga oo Jabuuti ku sugan waxaa damac siyaasadeed geliyey koox ganacsato reer Muqdisho ah oo u badnaa kuwo xubno ka ahaa ururkii al-Islaax al-Islaamiya, kuwaas oo sheegay in ay Sheekh Shariif ka soo dhameyn karaan in uu u magacaabo raysalwasaare, maadaama uu doonaayo in uu Wasiirka kowaad u magacaabo qof reer Puntland ah, taasina waxay ahayd damicii u horeeyey ee siyaasadeed ee ku dhasha Siciid Cabdulaahi Dani.

Xildhibaan Siciid Dani iyo Xildhibaan Cabdulaahi Xaaji Dayib 2012

Sanadkii 2012 ayuu si rasmi ah u soo galey siyaasada, kadib markii beeshiisu ay siisey mid kamid ah labadii kursi ee ay ku lahaayeen baarlamaanka, iyada oo aan cidna kula tartamin. Xildhibaan Dani ayaa markii uu doonaayey kursiga Xildhibaanimo u sheegay taageerayaashiisa in uu u tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashadii 2012, ama uu keeni karo ugu yaraan Raysalwasaare, taasina ay tahay sababta uu Xildhibaanka u raadinaayo. Doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud kadib waxa uu kamid ahaa kuwii u ordaayey in Raysalwasaare laga dhigo. Xasan Sheekh Maxamuud waxaa awood badan ku lahaa xubno ka tirsanaa ururkii al-Islaax gaar ahaan garabkii Damuljadiid, iyo daladihii waxbarashada. Xasan Sheekh waxa uu raysalwasaare u magacaabey Cabdi Faarax Shirdoon, sidoo kale Siciid Dani kuma soo bixin golihii wasiirada ee u horeeyey ee Raysalwasaare Saacid.

Siciid Dani oo loo dhaarinayo xilka Wasiirka qorsheynta 22.01.2014

Fursadii labaad ee arrimaha siyaasada ayaa soo martey markii xilka laga qaadey raysalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). Raysalwasaarihii la magacaabey Saacid kadib Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa u magacaabey Siciid Cabdulaahi Dani in uu noqdo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowaladda Federaalka xilkaas oo uu hayey Janaayo 2014 – ilaa iyo markii uu wax ka ridey xukuumadaas 06.Diseembar 2014.

Doorashadii 2016-2017

Siciid Cabdulaahi Dani waxa uu kamid noqdey musharixiintii doorashadii Madaxweynaha ee 2016-2017, waxaana uu wareegii kowaad galey kaalinta lixaad isaga oo helay 18 cod, sida ay u sheegeen Horseed Media dad xogogaal ah Siciid Dani waxa uu ka tirsanaa gaashaanbuurtii Xasan Sheekh Maxamuud ee doorashada looga adkaadey. Laakiin Siciid Dani waxa uu mar kale ka mid noqdey siyaasiyiintii u orday in ay ka soo dhex muuqdaan golihii wasiirada ee Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre taas oo uu ku guuldaraystey, waxaana intaas kadib uu ka baxay magaalada Muqdisho isaga oo u badnaa dalalka Imaaraatka Carabta iyo Kiinya, dibna Puntland uguma noqon.

Mudadii uu ahaa Xildhibaanka 2012-2016

Siciid Cabdullaahi Maxamed, kama mid noqon gudiyada Baarlamaanku lee yahay ee gaarayey 15 gudi, kuwaas oo muhim ahaa, mudadii afarta sano ahayd ee uu Xildhibaanka ahaa waxa uu kamid noqdey 10-ka xildhibaan ee ugu maqnaanshaha badan marka la eego ka qaybgalka fadhiyada baarlamaanka iyo hawlaha Baarlamaanku wado, waxaana uu afartaas sano helay 27%, sida aan xogta hoose ka helney xafiiska habdhawraha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Siciid Cabdulaahi Maxamed fadhiyadii ugu badnaa ee uu ka qaybgalo waxay ahaayeen kuwii lagu doortey Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka, qaybta labaad waxay ahayd kuwii ay ku ridayeen isla xukuumadii uu ka tirsanaa, iyo kuwii lagu ansixinaayey.

Xiligii uu ahaa Wasiirka Qorsheynta 2014-2014.

Sida aan horey u sheegney Siciid Cabdulaahi Dani waxaa Wasiirka Qorsheynta u magacaabey Raysalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, oo ahaa Raysalwasaarihii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh soo magacaabo.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu xusuusto Siciid Dani waxaa kamid ahaa buugii tirakoobka ee qiyaasta ahaa, kaas oo la diyaariyey sanadkii 2014, markaas oo uu xafiiska joogey Siciid Dani, tirakoobka qiyaasta ah ayaa tirada dadka Soomaaliya ka dhigay 12.3 milyan oo qof, waxaana guud ahaan gobolada Puntland qiyaastu sheegeysey in ay ku noolyihiin dad ka yar 1.7 milyan oo qof, xogtan ayaa la shaaciyey xiligii uu Wasiirka ahaa Cabdiraxmaan Caynte, laakiin waxa uu ku doodey in xogta la diyaariyey sanadkii 2014.

Siciid Cabdulaahi Dani ayaa saxiixay warqad lagu sii deynayay natiijada qiyaas tirakoobka, laakiin Raysal Wasaarihii hore ee Cabdiwali Sh. Axmed, ayaa diiday inuu aqbalo natiijadaas, inyar kadibna Raysalwasaaraha xilkii ayaa laga qaadey. Arintan ayaa ahayd weji gabax iyo gef laga galay shacabka Puntland iyo Dowladda Puntland.

Wasiikii qorsheynta Siciid Dani oo u codeynaya in xukumadiisi la rido 06 Dec 2014

Siyaasi Siciid Cabdullaahi ayaa markii uu wasiirka ahaa ka horyimid Xukuumadiisi iyo Raysalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana uu kamid noqdey qaar kamid ah golihii wasiirada ee u ololeeyey in ay ridaan isla xukuumadii ay ka tirsanaayeen. Xasan Sheekh oo ay haysatey fashil siyaasadeed iyo cadaadis caalami ah oo saarnaa ayaa isku dayey in uu fashilka u leexiyo xukuumaddii Saacid, si uu u soo celiyo sumcadii beesha caalamkana uga gado in uu doonaayo isbedel, waxa uu soo magacaabey Rasyalwasaare ku cusub siyaasada, 12 bilood, waxaa soo baxaydey qofka uu ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo waxa ay Raysalwasaarayaasha isku haystaan oo ah shaqadooda, waxaana uu abaabuley mooshin ka dhan ah Raysalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, mooshinkaas oo uu horboodaayey Wasiirkii awooda badnaa ee kamid ahaa xubnaha u sareeyey ururkii Damuljadiid Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Copenhagen 22 Nov 2014, 12 maalmood ka hor riditaankii xukuumadii Cabdiweli Sheekh

Siciid Cabdilaahi Dani wasiirkii qorsheynta waxa uu kamid noqdey kooxdii Faarax Sheekh Cabdulqaadir, waxaana uu kamid ahaa kuwii ridey isla xukuumadii ay ka tirsanaayeen taas oo ahayd khaladkii siyaasadeed ee ugu weynaa ee Siciid Dani galay, Raysalawasaare Cabdiweli Sheekh Axmed waxa uu markaas taageero weyn ku dhex lahaa shacabka Puntland.

Siciid Dani ayaa loo sheegay ama is tusay in loo magacaabayo raysalwasaare hadii uu rido xukuumada uu ka tirsanaa, nasiib daro Raysalewasaarihii sadexaad ee Dowaldii Xasan Sheekh kuma guuleysan in loo magacaabo.

Musharaxnimadiisa Puntland 2019

Siciid Cabdulaahi Dani waxa uu kamid yahay maanta musharixiin badan oo doonaaya in ay qabtaan hogaanka Puntland 2019. Olalaha Musharax Siciid Dani ayaa Puntland ka bilowdey xili hore si ka duwan doorashooyinkii hore, waxaana taas ku weheliyey musharax kale oo aan weli dadka hor imaan laakiin dhaq-dhaqaaqiisu xoog u muuqdo.

Kaamka ololaha doorashada ee Siciid Dani

Siciid Dani waxaa ololihiisa doorashada horboodaya koox si weyn looga yaqaano gudaha Puntland oo fadhigoodu yahay Garoowe, kooxdan oo loogu yeero AARAN JAAN, waxaa jira taariikh isku xiraysa Siciid Dani iyo kuwa ugu awooda badan AARANJAAN.

Aaranjaan waxaa calanka u sida Maxamuud Shiddo oo sida aan horey u sheegney ay Siciid Dani isku xirnaayeen ilaa asaaskii shirkada Towfiiq xiriirkaas oo uu sababteeda lahaa rabbi ha u naxariistee Faarax Maxamed Siciid (Faarax Dheere).

Kooxda Aaranjaan ayaan lahayn hadaf iyo mabda siyaasadeed oo ay ilaaliyaan, waxaan tusaale ku filan in kooxdan ay la soo shaqeysteen Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole iyo Madaxweyne Gaas, kooxdan waxay gacanta ku dhigeen qandaraasyo badan oo Puntland ka jira, ujeedadooda ugu weyn ayaa ah LACAG,LACAG sidii ay u sameyn lahayeen, waxaana lagu tilmaama in ay yihiin kuwo markasta gaajo ba’an u qaba lacag iyo ladnaan (Greedy for money & wealth). Madaxweyne Faroole waa la ololeeyeen taas oo ay ku heleen in lagu qadariyo, Madaxweyne Cabdiweli wax olole ah uma gelin laakiin waxay ku guuleysteen in ay ku dhex milmaan Madaxtooyada si ay u badbaadiyaan qandaraasyadooda. Waxaana hada ka go’an in ay keenaan Madaxweyne ay iyagu wataan.

Kooxda labaad ee bilowgii hore ololaha ka muuqdey hadase awoodoodi sii shiiqdey waxaa kamid ah kuwa lagu naaneyso “Fat boys” ee la soo shaqeeyey Cabdiweli Cali Gaas, kuwaan waxay isku dayeen in ay handadaan Cabdiweli Gaas una muujiyaan in cirku ku soo dumayo hadii uu isku dayo in uu doorashada galo, waxaana ay si aan qarsoodi ahayn uga codsadeen in uu taageero Siciid Dani, sida uu xog-ogaal u sheegay Horseed Media, taas oo Cabdiweli ku kaliftey in uu dib ula noqdo hadalkii uu wax badan sheegi jirey ee ahaa in shan sano ku filantahay oo aanu galeyn doorasho labaad, waxaana uu isla todobaadkaas warbaahinta u sheegay in ay u badan tahay in uu tartamaayo. Kooxda “Fat boys” ayaa Aaranjaan kala mid ah boobitaanka Qandaraasyada iyo urursiga lacagta waxa ugu weyn ee ay ilaalinayaana waa danahooda gaarka ah.

Dabeecadaha iyo Dhaqanka Siyaasadeed

Waxaa lagu tilmaamaa Siciid Dani in uu yahay nin miisaaman oo ixitiraam badan, gaar ahaan qofka ay markaas wada shaqeynayaan, qofka ay iska horyimaadaan aan si muuqata u weerarin, sida ay Horseed u sheegeen dad la soo shaqeeyey. Qaar kamid ah dadka la soo shaqeeyey mudada dheer ayaa Horseed u sheegay in ay aaminsan yihiin in Siciid Dani kamid yahay siyaasiyiinta dhaqankoodu yahay in ay ka faa’ideystaan fursad kasta oo soo marta si uu u gaaro hadafkiisa isaga oo aan eegin waxa ka dhalan kara doonitaankiisa (consequences), iyo saameynta ay ku reebi karto bulshada.

Fursadaha iyo Taageerada

Siciid Cabdulaahi Maxamed waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta tartanka doorashadu dhab ka yahay.  Waxaa dad badan ku doodaan in uu weli ka soo kaban doorashadii 2017 oo dhaqaale badan uga baxay, waxaa la isweydiinayaa halka uu dhabarka saari karo doorashadiisi labaad marka laga yimaado in ay ololihiisa doorashada  ay hogaanka u hayaan shakhsiyaadka ugu waaweyn Aaranjaan.

  1. Dowlada Federaalka:  waxaa la aaminsan yahay in ay soo farogelineyso doorashada Puntland taas oo  horey aan u dhici jirin. Siyaasiyiinta Villa Soomaaliya oo qarka u saaran in ay ku fashilmaan balanqaadkoodi hada waxay ka shaqeynaya sidii mar labad loo dooran lahaa, waxaana ay Dowalad goboleedyada u arkaan in ay faraha la galaan, si ay saameyn ugu yeeshaan 2020, way dhici kartaa in Saciid Dani, Dowlada federaalka ka raadsado in ay ku taageerto la wareegida hogaanka Puntland.
  2. Xisbiyada Mucaaradka: Muqdisho waxaa ka degay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh  oo ay soo kiciyeen Xisbiyada midoobey si uu u hogaamiyo awooda lagu loolamayo, waxaana midowgaani u dhexeeya Damjadiid iyo haraadigii Aala Sheekh, qudhoodu waxay doonayaan in ay saameyn ku yeeshaan Soomaaliya 2020, waxana dhici karta in Siciid Dani uu dhabarkiisa ku tiiriyo.
  3. Dalal shisheeye: Siciid  Cabdulaahi Dani  doorashada ma ku taageeri karaan dalal shisheeye oo dano ka leh Soomaaliya gaar ahaan Puntland, sida ay sheegaan dadka falanqeeya siyaasada Puntland,  way dhici kartaa laakiin fursadaasi waa mid aad u yar marka la eego xiriirada uu lee yahay Siciid Dani.
  4. Madaxtooyada Puntland:  Dr Cabdiweli Cali Gaas iyo Siciid Dani isbahaysi ma dhex mari karaa? taas in ay dhacdo waa mid aad daciif u ah marka la eego isbedelka Madaxweynaha Puntland ku yimid ee uu dib uga gurtey go’aamadiisi hore, taas waxaa dheer Siciid Dani oo si dadban ugu eedeeyey Cabdiweli Cali Gaas dagaalkii Cagaare taas oo labada siyaasi sii kala fogeysey.
  5. Ganacsato: Fursadaha kale ee Siciid Dani u furan ayaa ah in uu qaato taageero kasta oo ay u fidiyaan ganacsatada iyo qandaraasleyda Puntland oo uu xiriir fiican la lee yahay.

Hadaba inta ay le’eg tahay fursada Saciid Dani  haysto in uu ku guuleysto xafiiska Madaxweynaha Puntland waxaa  si fiican loo qiyaasi karaa dhamaadka sanadkan 2018, waxaase la isku raacsan yahay in doorasha adag uu geli doono.

Yaa ku xiga – Who is Next?

HORSEED MEDIA TEAM