Duqa Muqdisho iyo Duqa Ankara oo ka wada kulmay

Published: September 4, 2018

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ka qayb galaya saxiixa mataaneynta labada Caasimadood ee Muqdisho iyo Ankara oo maalinta beri ah la saxiixayo. Isagoo sidoo kalena ka qeyb geli-doona shirweynaha Midowga Caasimadaha Caalamka oo ay marti gelineyso magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Duqa Muqdisho oo weheliyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga Mudane Maxamed Jaamac Caydiid ayaa kulan la qaatay dhiggiisa magaalada Ankara Prof. Dr. Mustafa Tuna oo ay ka wada hadleen Maamulka labada Caasimadood ee Soomaaliya mataaneyntooda iyo sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen horumarka, is-dhaafsiga khibradaha dhanka Maamulka iyo xoojinta wada shaqeynta.

“Waxaan Kulan ku qotomay xoojinta xiriirka labada Caasimadood wada yeelanay Duqa Ankara Dr. Mustafa Tuna oo isla qirnay muhiimadda ay leedahay mataanaynta labada Caasimadood.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa inta uu ku sugan yahay Ankara waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda Caasimadaha ee ka soo qeyb galaya shirka, isagoona kala hadli doona sidii ay iskaashi u wada yeelan lahaayeen.

-DHAMMAAD-

Faafin Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *