Hubka ciidanka NISA oo lagu wareejinayo taliska Booliiska

Published: September 4, 2018

Kulanka todobaadlaha ah ee guddi hoosaadka amniga golaha wasiirrada oo uu shir guddoomiyay Ra`iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay arrimaha ammaanka, dib-u-habaynta ciidanka iyo dardar-gelinta diiwaan-gelinta ciidamada.

Kulanka ayaa lagu shaaciyay in lagu guulaystay qorshahii ay soo bandhigtay wasaaradda amniga gudaha ee ciidamda hubaysan ee NISA loogu wareejinayay taliska booliiska.

Iyada oo la tixraacayo go`aankii ay gaareen golaha wasiirrada 26-kii Luulyo 2018 ee farayay in ciidamada Booliisku la wareegaan hoggaanka sugidda amniga ayaa waxaa dhammaan ciidamada nabad sugidda iyo hubkoodii -marka laga reebo ciidamada howl-gallada gaarka ah fuliya – lagu wareejiyay taliska booliska Soomaaliyeed.

Kulanka maanta oo ay goob joog ka ahaayeen taliyaasha ciidamada ayaa sidoo kale looga hadlay dardar-gelinta diiwaan-gelinta ciidamada, gaar ahaan nidaamka casriga ah ee kaydinta xogta shakhsiga, si loo fududeeyo xuquuqdooda.

Sidoo kale waxaa lagu falanqeeyay qorshaha sugidda amniga iyo dib-u-dhiska garoonka ciyaaraha Muqdisho, waxaana taliska booliiska Soomaaliyeed uu soo bandhigay qorshe faahfaahsan oo suura gelinaya in garoonka lagu ciyaaro, ammaankiisana la sugo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *