Jowhar oo lagu soo gabagabeeyay tababar ku saabsan waxbarashada madaniga ee dastuurka

Published: September 4, 2018

Magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxaa ku soo gabagaboobay tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka kasoo qabashadiisa ay iska kaashteen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradda Dastuurka iyo Federaalka ee Hirshabelle.

Munasabadii xiritaanka tababarka waxaa ka hadlay La-taliyayaal iyo masuuliyiin ka tirsan labada Wasaaradood.

Maxamed Bashiir oo ah Agaasimaha Qorsheeynta ee Wasaaradda Ariimaha Dastuurka ee XFS ayaa uga mahadceliyay dhamaan ka qeybgalayaashi tababarka sida ay u qaateen tababarka wuxuuna uu ka codsaday in ay tababarka sii gaarsiiyaan dhamaan shacabka ku nool Hirshabeelle.

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan ayaa soo xiray tababarka isagoo ka qeybgalayaasha kula dardaarmay inay door muuqda ka qaataan howlaha dib-u-eegista Dastuurka.

Ugu dambayn, dhamaan ka qeybgalayaashi tababarka ee ka kala socday Bulshada Rayidka iyo hay`adaha dowladdda ee Hirshabeelle ayaa la gudoonsiiyay shahaadooyin muujinayay inay qaateen tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *