Lix Qof oo isugu jira ciidan iyo shacab oo maanta lagu diley Muqdisho

Published: September 4, 2018

Ugu yaraan lix ruux oo isugu jira askar iyo dad rayid ah ayaa maanta siyaabo kala duwan loogu diley magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Rag hubeysan ayaa Waaxda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan waxa ay gelinkii dambe ee maanta ku dileen afar askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sida ciidamadan lagu diley hase yeeshee sida ay u xaqiijiyeen saxaafada xubno ka tirsan maamulka degmada Kaaraan dilkan ayaa yimid kadib markii askartan rasaas lagu furay xilli ay saarnaayeen mooto bajaaj,iyaodo dilkana ay geysteen rag hubeysan oo watay gaari yar.

Raggii geystey falka dilka ah ayaa baxsaday iyadoo goobta uu ka dhacay dilka ay gaareen ciidamada ammaanka dowlada Federalka Soomaaliya iyagoo halkaa ay ka bilaabeen hawlgal amni xaqiijin ah.

Dhinaca kale labo ruux oo rayid ah ayaa lagu diley gelinkii hore ee maanta meel ku dhow jamacada SIMAD ee degmada Wardhiiglay iyadoo dilkaasna ay geysteen dabley hubeysan oo watay Mooto.

Falalka dilalka ah ee loo geysto dadka rayid ah iyo ciidamada ayaan badankood la soo qaban cidii ka dambeysay iyadoo sidoo kale aysan hay`adaha ammaanka ka hadlin dilalkaas.

Horseed Media

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *