Shirkii Golaha Iskaashiga Dowalad Goboleedyada oo si weyn Dowaldda Federaalka loogu dhaliilay

Published: September 4, 2018

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmey magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland shirkii iskashiga Dowald goboleedyada Soomaaliya. Shirka furitaankiisi waxaa ka soo qaybgalay dhamaan hoggaamiyaasha Dowalad goboleedyada, waxaa lagu casumey shirka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Soomaaliya u soo dirtey Michael Keating oo mudadiisi dhamaystey todobaadkana dib ugu noqonaya New York xarunta Qaramada Midobey.

Shirka waxaa guddoominaayey guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Dowalad Goboleedyada Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxana shanta hoggaamiye ay ka jeediyeen khudbado.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si adag ula hadley Dowaladda Federaalka, Axmed Madoobe wuu ka duwanaa kulankii ugu horeeyey ee isbahaysigu yeesho taas oo uu diidey in calamada Dowlad goboleedyada goobta la keeno, Axmed Madoobe waxa uu ku tilmaamey Dowaladda federaalka ah in ay ku jirto riyo maalmeed. Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Muqdisho aysan daacad ka ahayn in ay dalka u adeegto.

“… Waxaan maalinkasta maqalnaa Raysalwasaaraha oo dhahaya dhamaan mushaharaadkii shaqaalaha iyo ciidanka waa bixiney, waxaa is weydiin mudan shaqaalaha dalka jooga iyo ciidamadu miyaaney Soomaaliya ka tirsaneyn, mise laba dal ayaan kala nahay…..” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa yiri: ” Soomaaliya waxaan ay u baahantahay isla xisaabtan dhab ah guud ahaan hay’addaha dowladda in la xisaabamo ceebmaahan sidaa awgeed waxaan u baahanahay mid dhab ah oo laga soo bilaabo madaxda ugu sareyso dalka”

Axmed Madoobe ayaa ugu danbeyntii dowlada Federaalka ugu baaqey in ay ka soo baxdo wixii loo doortey haddii kale wakhtigu sidaas uga dhamaanayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa isagu ka duwanaa Axmed Madoobe waxaase uu adkeeyey oo xoojiyey hadalkiisi adkaa isaga oo sheegay in ay tahay xaqiiq, dalkuna aanu ahayn Muqdisho oo keliya, Gaas ayaa sheegay in Dowladda dhexe laga doonayo in ay la shaqeyso Dowlad goboleedyada, oo inta badan culeysku kuwada dhaco, gaar ahaan la dagaalanka al-Shabaab, sharciyada ay iska meel mariso oo aan wax wada tashi ah la gelin, Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay in kaalmada iyo deeqda ku timaada magaca Soomaaliyeed la is weydiinayo halka ay ku baxdo, jawaabna laga doonayo Dowlada DHexe.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa khudbadiisa ku soo qaatey taariikhda Soomaaliya, qaabka ay u qaran jabtey, iyo halista mar labaad soo socota, taas oo uu sheegay in Soomaaliya maanta mar kale loo tashadey, sababtuna ay tahay halka ay adduunka uga taalo iyo cidkasta o meeshaas dani ka gashey oo u sooq alab qaadatey, waxaana uu ku baaqey Iskaashi.

Madaxweyne Waare “Soomaaliya waa in ay qeexdaa danaheeda qaran waana in aan anaga isku sheegnaa danta aan leenahay oo aan ku badbaadnaa waa in la isla meel dhigaa yaa saaxiib noo ah yaan noo ahayn?”

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Adam ayaa ka duwanaa dhamaan hoggaamiyasha kale waxaana uu amaan duurxul ah u sameeyey Dowaldda federaalka ah isaga oo dhaliisha saarey dhamaan isaga oo aan cidna kala reebin, waxaana uu sheegay in Dowladda federaalka lala shaqeeyo. Shariif Xasan ayaa laba bilood kadib gelaya doorasho kursiga lagula tartamayo, waxaana uu aad uga wel-welsan yahay culeyska Muqdisho uga imaanaya.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa khudbadiisu la mid ahayd tiisii hore, wuxuu sheegay in Dowaldda Federaalka ah uga dhegan tahay Xaaf meesha halaga saaro, ┬┤wuxuu ka qayliyey Dowladda federaalka ah oo shaqo ka dhigatey, wuxuu sheegay in aysan jirin wax taageero ah oo maamulkiisi ka helo Dowlada dhexe.

Ugu danbeyntii waxaa shirka ka hadley Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo isaga khudbadiisu u badneyd mahadcelin, khibradii uu ka helay Soomaaliya mudadii uu shaqeynaayey iyo talooyin uu u soo jeediyey shirkana kana codsadey in ay ka so abaxaan qodobo wax lagu dhisaayo kana shaqeynaaya dalka hormarkiisa.

Shirka ayaa gelinka danbe ee maanta halkiisi ka sii socon doona, kaas oo ay albaabadu u xiran yihiin, waxaana la filayaa in maalinta Jimacada ah laga soo saaro qolaal hoggaamiyaashu u dhan yihiin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *