Xubnaha golaha deegaanka Bosaso oo lagu dhawaaqay-Dhageyso

Published: September 4, 2018

Waxaa goordhow magaalada Boosaaso looga dhawaaqay liiska xildhibaanada golaha deegaanka degmada Boosaaso kuwaasoo ka kooban 31 xubnood.

Liiska xildhibaanada kamid noqonaya golaha deegaanka Boosaaso waxaa kasoo muuqday duqa kumeel gaarka ah ee Boosaaso ahna musharax u taagan duqa Boosaaso iyo musharaxiin kale oo u taagan qabashada gudoonka golaha deegaanka degmada Boosaaso.

Gudiga loo xilsaaray soo dhisidda iyo doorashada golaha deegaanka Boosaaso ayaa goordhawayd ku dhawaaqay liiska xildhibaanadan golaha deegaanka,waxaana warqada liiska xildhibaanada ku saxiixnaa gudoomiyaha wecyigelinta iyo dhismaha golayaasha deegaamada ahna wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdulaahi Cali Xirsi Timocade.

Markii ugu horeysay xildhibaanada golaha deegaanka ayaa waxaa kasoo muuqday lix haween ah kuwaasoo kamid noqday liiska xildhibaanada golaha deegaanka Boosaaso.

Hoos ka akhriso liiska xubnaha xildhibaanada GDB oo dhameystiran

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *