Horseed Media

Abdisalaam Bashiir iyo Maxamed Mire oo ku tartamaya Duqa Degmada Boosaaso.

Waxaa si rasmiya ugu dhawaaqay in ay u tartamayaan duqa degmada Boosaaso Abdisalaam Bashiir Cabdisalaam oo ahaa duqii ku meel gaarka ahaa ee degmada boosaaso, sidoo kalena maanta iska casilay wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada sidoo kalena Maxamed Faarax Mire ayaa isna ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan duqa degmada Boosaaso.

Labadaan Musharax ayaa horayba loo saadaalinayay in ay ku tartamayaan kursigaan maadama xili hore ay bilaabmeen olalahooda doorasho, 31 xubnood oo golaha deegaanka ayaa beri goaamin doona cida noqonaysa duqa rasmiga ee Boosaaso yeelan doonto 5 sano ee socota, Labadaan  musharax oo maanta loo dhaariyay xubinimada golaha deegaanka waxay qireen in doorasho xor iyo xalaal ah ay rajayn doonaan.

Cabdisalaam Bashiir waxa uu ku sababeeyay is casilaadiisa wasiir ku xigeenkii maaliyada in uu u tartamayo  Duqa Bosaaso, waxana uu uu mahadceliyay dhamaan dadkii lasoo shaqeeyay, sidoo kale Maxamed Mire oo dhankiisa  la hadlay warbaahinta  waxa uu sheegay in ay jiraan dhaliilo balse uu rajaynayo in doorasho wanaagsan ay dhacdo.

Dhanka kale waxaa habeenimadi xalayto shir jaraaid ku qabtay magaalada Boosaaso xubno sheegay in liiska xubnaha golaha deegaanka laga saaray laguna bedelay xubno ka tirsan kuwii horay loo kala diray, nabadoono isla shirkaas jaraaid ka hadlay waxay dawlad ku dhaliileen gacan togaalayn ay ku hayso doorashada duqa degmada Boosaaso.