Madaxweyne Farmaajo oo booqashadii 2aad ku tagi doonadalka Eratrea

Published: September 5, 2018

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la filayaa in uu gelinka danbe ee maanta booqasho rasmi ah ku tago magaalada Asabb ee dalka Eritrea, Booqashada madaxweynaha ayaa daaran ka qayb galka shir sadex geesood ah oo dhex mari doona madaxweyne Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Afawerki iyo Raisal wasaaraha Ethopia Abiy Ahmed.

Raisal wasaare Abiy ayaa maanta gaaray mafgaalada Assab oo ay ku taal dekedda ugu muhiimsan dalka Etitrea, waxaana raisal wasaare Abiy uga bilaabmatay booqasho qaadan doonta laba cmaalmood, waxaa si wayn mudooyinkii danbe loo hadal hayay isbahaysi wayn oo yeelan doonaan wadamaada bariga Africa gaar ahaan Eritrea, Somalia iyo Ethiopia.

Yemane Meskel oo ah wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa bartiisa twitterka ku shaaciyay booqashada madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo dalka eratrea gelinka dambe ee maanta.

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *