Wasiir ku xigeenkii wasaaradda maaliyadda Puntland oo is-casilay-Dhegayso

Published: September 5, 2018

Waxaa xilka iska casilay wasiir ku xigeenkii wasaaradda maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, kadib markii uu shir jaraa’id uu ku qabtay guriga gobolka ee magaalada Bosaso.

Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa u jeedka uu isku casilay ku sheeegay in uu u tartami doono xilka duqa degmada Bosaso oo maalinta berri ah lagu wado in ay ka dhacdo xarunta dowladda hoose ee degmada Bosaso.

Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa ah duqa ku meel gaarka ah ee degmada Bosaso, waxaa uuna ka mid yahay 31-da xubnood ee golaha deegaanka degmada Bosaso oo maalintii shalay liiskooda la shaaciyey.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *