Boosaaso oo yeelatay duq cusub iyo kuxigeenkiisa

Published: September 6, 2018

Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Boosaaso ayaa duqa cusub ee Boosaaso u doortay Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo kamid ahaa musharaxiintii u tartamayay doorashada gudoonka golaha deegaanka Boosaaso.

Gudiga loo xilsaaray doorashada golaha deegaanka Boosaaso ayaa sheegay in Cabdisalaan uu helay codad gaaraya 28-cod halka musharixii la tartamayay Maxamed Mire uu helay 3-cod sidaasna uu u guulesytay kursigii duqa degmada Boosaaso.

Dhinaca kalena waxaa ku xigeenka duqa degmada Boosaaso loo doortay Siciid Caabdiraxmaan Maxamed (Garoon) kaasoo helay 26 cod halka musharixii la tartamayay Mubaarak Salaad Cali uu isagana helay 5 cod iyadoona doorashada kadib la guda galay dhaarinta duqa cusub ee la doortay iyo kuxigeenkiisa.

Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa noqonaya duqa cusub ee Boosaaso shanta sano ee soo socota,waxaana xusid mudan in hore uu u ahaa sii haya duqa magaalada Boosaaso kadib kala diristii golahii deegaanka ee kan ka horeeyay isagoona sidoo kale mid ahaa golaha wasiirada xukuumada iminka sii dhacaysa ee Cabdiweli Gaas.

Doorashada duqa iyo ku xigeenkiisa oo saaka ka bilaabatay xarunta dowlada hoose ee Boosaaso,ayaa maalmihii ugu dambeeyay qaban qaabadeeda laga dareemay gudaha magaalada Boosaaso.iyadoona goobjoog ay ka ahaayeen doorashada gudoonka golaha deegaanka Boosaaso xubno kamid golaha wasiirada Puntland sida wasiirka arimaha gudaha Puntland iyo maamulka gobolka iyo masuuliyiin kale.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *