Duqa Magaalada Minneapolis Jacob Frey ee taageray Musharax Jebiye balan qaad weyn u sameeyey magaalada Boosaaso -SAWIRO

Published: September 6, 2018

Duqa magaalada Minneapolis Mr. Jacob Frey ayaa xafiiskiisa ku casumay musharraxa xilka Madaxweynaha Puntland Eng. Maxamuud Khalif Xassan oo loo yaqaano Eng. Jabiye.

Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay casumaada uu u fidiyey Eng. Jabiye, waxaa uuna sheegay in injineerku uu magaalada Minneapolis muddadii uu degganaa uu wax badan ku soo kordhiyay.

“….ganacsiyadii uu ka soo bilaabay heer hoose ayaa wada bullaalay maanta….”, ayuu yiri mayor Jacob Frey. Mr. Jacob ayaa ballan qaad kale oo culus u sameeyay musharraxa xilka madaxweynaha Puntland Puntland haddii uu ku guuleysto, waxaan booqasho ku imaanayaa Puntland gaar ahaan magaalada aan mataanaha nahay ee Boosaaso, maahan mid aan ku kaftamayo ayuu yiri, si loo adkeeyo xiriirka labada magaalo iyo guud ahaan Puntland.

Guddoomiyaha degmada lixaad ee Minneapolis mudane Cabdi Warsame ayaa sidoo kale ka mid ahaa Madaxdii Eng. Mohamud Khaliif ku qaabishay xafiiska duqa magaalada Minneapolis Jacob. Sidoo kale madasha waxaa fadhiyay Abdulqudduus Doonyaale` oo la taliye u ah duqa magaalada.

Eng. Jebiye ayaa sheegay in shaqooyinkii wanaagsanaa ee uu ka qabtey gobolka Minasota uu doonaayo kuwa ka wanaagsan in uu ka qabto dalkiisi Hooyo hadii loo doorto Madaxweynaha Puntland

SAWIRRO waxaa kamid ah duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey, Musharax Eng. Maxamud Khaliif, Cabdi Warsame, Cabdulquduus Doonyaale iyo Bashiir Muuse.

M. Dulyadeyn
Minneapolis

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *