Horseed Media

Hooyo Muxubo Cabdi Warsame oo la ildaran xaalad Caafimaad darro (DAAWO).

Muxubo Cabdi Warsame oo ah Hooyo soomaaliyeed oo kunool magaaladda Garoowe ,gaar ahaan kaamamka ay deganyihiin dadka kazoo barakacay dagaaladii sokeeya ee ka dhacay dalka ayaa waxaa lasoo darsay xanuuno sababay in ay waydo qayb kamid ah xubnaheeda muhiimka ah.

Hooyo Muxubo waxay Aabe iyo Hooyo u tahay qoys ka kooban 4 qof waxaana  ay qabtaa xanuuno ay kamidyihiin Sonkor,dhiikar,Gaas,waxaa intaa u dheer in la gooyey mid kamid ah lugaheeda,iyadoo tii kalana ay qaaday igfashin sababi kara in la gooyo,waxaana sababay qaniinyada barbaro duur.

Muxubo waxay bulshada Islaamka ah ka cosatay in ay gacan kasiiyaan nolosha qoyska oo aad u liidata,madaama ay u xamaal tagi jirtay markii hore ee ay caafimaadka qabtay.

Halkaan hoose ka daawo muuqaal ka turjumaya dhibatada haysata Muxubo Cabdi Warsame.