Muxuu ku qotomaa heshiiska ay wada gaareen madaxda gobolka

Published: September 6, 2018

Magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea waxaa heshiis sadex geesood ah ku kala saxiixday hogaamiyayaasha dalalka Soomaaliya,Ethiopia iyo Eritrea.

Heshiiskan ay wada gaareen madaxda dalalka ku yaala geeska Afirka sida Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra`iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhigaya in dalalkan ay yeeshaa iskaashi,amni,bulsho,dhaqan iyo siyaasadeed lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar.

Sidoo kale madaxdan heshiiska wada gaaray ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimaha u dhaxeeya Jabuuti iyo Eritrea, waxayna ku heshiiyeen in la bilaabo wada xaajoodyo lagu dhammeynayo arrimahaas si loo xaqiijinayo danaha isku tolan ee dalalka Geeska Afrika kuwaas oo horseedaya nabadda iyo horumarka gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Ra`iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Ereteriya ayaa sidoo kale la qorsheeyey in ay ku kulmaan magaalada Asmara, 6-da iyo 7-da bisha September 2018, si ay uga wada xaajoodaan adkaynta xasilloonida amni iyo dhaqaale ee gobolka ee Geeska Afrika.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale ka wada hadli doona, qaabkii lagu soo afjari lahaa dhammaan khilaafyada siyaasadeed iyo bulsho ee u dhexeeya dalalka Geeska si loo helo waddamo daris ah oo is-oggol, si nabad ahna u wada nool.

Soomaaliya ayaa doonaysa inay kaalin weyn ka qaadato isdhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee Geeska Afrika, si loo dardargeliyo ganacsiga iyo maalgashiga, loona kobciyo isku xirnaanta bulshada iyo dhaqaalaha Geeska.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *