Xildhibaanada golaha deegaanka Bosaso oo saaka dooranaya duq cusub

Published: September 6, 2018

Xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka degmada Boosaaso ee maalintii shalay la dhaariyey, ayaa maanta lagu wadaa in ay doortaan gudoomiyaha cusub ee golaha deegaanka iyo kuxigeenkiisa.

Doorashadan oo saaka dhacaysa xarunta dowlada hoose ee Boosaaso ayaa xubnaha u tartamaya kursiga duqa degmada Boosaaso waxa ay kala yihiin wasiir kuxigeenkii hore maaliyada Puntland ee shalay iscasilay Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan iyo Maxamed Faarax xaaji Mire oo labadooba ah dhalinyaro aqoonyahano ah.

Xildhibaannada golaha deegaanka degmada Boosaaso ee wax dooranaya ayaa ka koban 31 xubnood, waxaana ku jira lix xubnood oo haween ah taasoo markii ugu horeysay ka dhigaysa in haween intaa le`eg ay kamid noqdaan golaha cusub ee deegaanka Boosaaso

Doorashada kuxigeenka duqa degmada Bosaso waxaa iyana u sharaxan Saciid Garown,maanta ayaana lagu wadaa in 5-ta sano ee soo socota Boosaaso ay yeelato duq cusub iyo kuxigeenkiisa.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *