Dowladda Soomaaliya oo maamul goboleedyada ka dalbatay xisaab celin

Published: September 7, 2018

Dowladda Soomaaliya ayaa maamul goboleedyada ku shirsan Kismaayo ka codsatay in ay keenaan xisaab- celin ku aaddan “isticmaalka lacagaha dawladda dhexe ay u gudbiso dawlad goboleedyada”.

Waxaa kaloo la weydiistay maamullada in ay keenaan xisaab celinta lacagihii 2017 ka soo gaaray 2017.

Warqad todobaadkan ka soo baxday xafiiska wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in “la soo gaaray xisaab celin dhamaystiran oo daboolaysa isticmaalka lacagihii dawladda federaalku soo gaarsiisay muddadii u dhaxaysay 1 Janaayo ilaa 30 Juunyo loo diri lahaa wasaaradda maaliyadda.

Waxaa kale oo lagu xusay barnaamij shuruudiisa ay ka mid tahay in marka hore la helo xisaab celin “inta aan la soo gudbin lacagaha qaybahooda dambe”.

Warqadda ka soo baxday xafiiska wasiirka waxaa lagu sheegay in xisaab celinta ay shuruud u tahay “barnaamijka deyn-cafiska ee dawladdu ay heshiiska kula gashay hay’adda IMF”.

Arrintan ayaa dhirbaaxo ku noqonaysa madaxda maamul goboleedyada ee maalmahan ku shirsanaa magaalada Kismaayo, kuwaasoo qodobbada ay ku dhaliilayeen dawladda federaalka ay ugu weynayd qaybsiga lacagaha deynta iyo deeqda ah ee dawladdu hesho

Warqad kale oo ka soo baxday isla xafiiska wasiirka maaliyadda ayaa bishii May maamullada looga codsaday in “rubuc sannadeed kasta isticmaalka kharashaadka lagu wareejiyey”.
.
Maamul goboleedyada ayaan weli ka hadlin dalabka xisaab celinta ee dawladda uga yimid.

Waxaa kale oo aan la hubin sida ay suurtogal u noqonayso xisaabcelinta dawladda federaalka ay dalbatay in la keeno, iyo saamaynta ay yeelan doonto haddii aan la keenin, ama habkii la rabay aan loo marin.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *