Musharax Xaaji Maxamed Salaad Qoryooley oo Baaq u Diray beelaha ku dagaalamay deegaanka Dhumey

Published: September 7, 2018

Xaaji Maxamad Salaad oo ku magac dheer Qoryooley, kana mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaanada Puntland ayaa ka hadley dagaalada ka dhacay deegaanka Dhumey oo ka tirsan gobolka Sool.

Xaaji Maxamad Salaad Qoryooley ayaa baaq nabadeed u direy beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartey, waxaana uu xusuusiyey foolxumada ay leedahay dhiig la daadiyo, dhibaatada ka dhalata mid adduun iyo mid aakhiro.

Baaqa uu soo saarey Musharax Madaxweyne ee PuntlandMudane Qoryooley ayaa u qaybsanaa saddex waxaana uu baaqa u horeeya u direy beelaha dagaalku dhexmaray ee dadka iska laayey, waxaana uu ugu baaqey in si shuruud la`aan ah dagaalka loo joojiyo, wixii dhacay waa dhaceen ee la badbaadiyo nafta kale ee aan dagaaladaas ku dhimanaya , heshiis waarana laga gaaro.

Xaaji Maxamad Salaad Qoryooley ayaa sidoo kale baaq u direy maamulka Puntland, Isimada, Culimada iyo dhamaan qofkasta oo wax ka geysan kara deminta colaadaas soo noqnoqotay in caqli, xoog iyo maalba la isugu geeyo sidii loo dhameyn lahaa colaadaas, waxaana uu tusaale u soo qaatey in fidnada halkaas ka dhacaysa hadii aan la qaban oo loo gurman ay meelo badan saameyn karto.

Xaaji Maxamad Salaad Qoryooley ayaa baaqiisa saddexaad u direy dadka qurba joogta ah ee ka soo kala jeeda beelaha dirirtu dhexmartey, wuxuu xasuusiyey in qurba-joogto ay door muhim ah ka ciyaaraan horumarka dalka, hatana laga doonayo sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen sidii colaada loojojin lahaa, inaysan lacag ay leeyihiin ku bixin hurinta colaada dadka walaalaha ah isku dilayaan, laakiin ay ka qayb-qaataan maslaxadda iyo Nabadaynta.

Xaaji Maxamad Salaad ayaa ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka ugu sareeya ee madaxtinimada Puntland 2019.

Horseed Media 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *