Bankiga Aduunka oo $9 Million ku bixinaya mashaariic laga fulinayo Somalia

Published: September 8, 2018

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga aduunka ayaa bilaabaya mashruuc lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Mashruucan oo loogu magac daray (SURP)ayaa dowlada federaalka iyo bankiga aduunka waxa ay sheegeen in ay ku baxayso lacag dhan 9 Million oo dollar.

Mashruucan hadii uu fulo waxaa uu noqonayaa hindishii ugu horeeyay ee imtixaan rasmi ah lagu marinayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

“Kaalinta Bangiga adduuka, waa la shaqeynta dowladda Soomaaliya sidii loo tababari lahaa iyo in dowladda awood u hesho inay islaax iyo horumar gaarto”. Sidaasi waxaa yiri Hugh Riddell, oo u qeybsanaha Bangiga adduuka ee Soomaaliya.

Magaalooyinka Muqdisho,Garoowe,Kismaayo iyo Baydhabo ayaa ka faa’ideysanaya mashruucan sababaha loo doortay magaalooyinkanna waxaa lagu sheegay in ay ku badan yihiin dadka ku soo noqonaya ama ku soo barakacaya.

Mashruucan ayaa kusoo aadaya xili dowladda Jarmalka ay sheegtay inay horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya ku bixin-doonto lacag gaaraysa 23.4 million oo Yuuro.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *