Horseed Media

Ciraaq:Dibadbaxyo ka soconaya magaalada Basra

Dibadbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo dowlada Ciraaq ayaa weli kasii soconaya magaalada Basra ee dalka Ciraaq.

Mid kamid ah hogaamiyayaasha Shiicada oo lagu magacaabo Ayatollah Ali Sistani, ayaa rabshadaha ka soconaya magaalada Basra ku eedeeyay in ay ka dambeyso dowlada,waxa uuna ku baaqay in maamul cusub la dhiso kaasi oo ka duwan maamuladii horey dalkaasi uga arrimin jiray.

Siyaasiyiinta Ciraaq aya la daalaa dhacaya sidii ay u soo dhisi lahaayeen dowlad shaqaysa ka dib markii doorashdii dalkaasi ka dhacday uu xisbana ku soo bixi waayay aqlabiyada.

Dhismooyiin dheeraad ah ayay weerar ku qaadeen dibadbaxayaasha, waxaana ka mid ah goobaha la weeraray qunsuliyadda Iiraan oo dab la qabadsiiyay.

Mid ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa toogasho lagu dilay.

Xukuumadda Ciraaq ayaa bandow ku soo rogtay magaalada Basra, islamarkana ciddii waddooyiinka lagu arko 9 habeenimo ka dib waxa ay wajahaysaa Xarig.

Horseed Media 2018