Dad ku dhaawacmay walxo ku qarxay geerash ku yaal Qardho-Dhageyso

Published: September 8, 2018

Sida wararku ay nagu soo gaarayaan geerash ku yaal Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar waxaa Maalintii shalay ka dhacay Qarax kaas oo aan ilaa hadda la ogayn waxa uu ahaa iyo waxa sasababay.

Xaafado kamid ah magaalada Qardho ayaa laga maqlay jugta qaxaraasi aan ilaa iyo ada la ogeyn waxa uu ahaa ee ka dhex qarxay geerash ku yaala magaalada Qardho.

Qaar kamid ah dadkii gooba jooga ahaa oo u waramay HM ayaa sheegay in ay arkayeen dhaawacyada dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay waxyaabahaasi qarxay halka weriyaha Horseed ee Qardho Maxamud Nadiif uu booqday cisbitaalka magaalada oo ah halka lagu dabiibayo dadka dhaawacmay.

Hoos ka dhageyso warbixin ku saabsan arimahaasi

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *