Dowlada Germany oo xaqiijisay fadeexadii Mashruuca Wadada Garowe-Gaalkacyo

Published: September 8, 2018

Dowlada Germany ayaa markii ugu horeysay qoraal rasmi ah kasoo saartay sababihii lagu joojiyey Mashruucii weynaa ee dhismaha Wadada [Garowe-Gaalkacyo], Horseed Media ayaa bishii hore shaacisay warbixin dheer oo aan ku faah faahinay fashilka ku yimid Mashruucii ugu weynaa ee Tijaabada u ahaa Xukuumada hada talada heysa ee Puntland.

Warbixintii Horseed daabacday 13kii Agoosto ee bishii lasoo dhaafay, ayaa ku sheegnay in mashruucan gebi ahaan la joojiyey kadib markii aan wareysi gaar ah la yeelanay Madaxii hay’ada GIZ ee dowlada Germany u qaabilsaneyd Mashruuca dhismaha Wadada Garowe – Gaalkacyo oo wajigii 1aad la fulin waayey wakhtigii loogu talo galay oo ku ekayd bishii Maajo 2018, taasi oo keentay in gebi ahaa la joojiyo mashruucaasi oo ku baxayey ($23milyan dollar).

Inkastoo aysan dowlada Puntland wax jawaab ah kasoo saarin qoraalkii ay siideysay Horseed Media ayey hadana shacabka Puntland su’aalo badan iska weydiinayeen halka uu ku danbeeyey mashruucaasi oo ahaa kii ugu weynaa oo la rabay dalka Soomaaliya in laga fuliyo tan iyo xiligii dagaaladii sokeeye wadanka ay ka dhaceen.

Qoraalka kasoo baxay safaarada Dowlada Germany ku leedahay magaalada Nairobi ayaa lagu xaqiijiyey warbixintii aan horey u sheegnay oo ahayd in mashruucan loo joojiyey musuq maasuq baahsan oo lagu sameeyey qaabkii loo hirgelin lahaa, iyadoo lagu sheegay in hay’ada wadooyinka Puntland iyo PHA & Xukuumada Cabdiweli cali Gaas ay wax ka qaban waayeen falalkaasi musuq maasuqa ah oo ugu danbeyntii keenay inay dowlada Germany bixin dhaqaalihii loogu talo galay.

Warbixinta dowlada Germany ayaa lagu sheegay in wajigii 1aad ee mashruucan oo uu ku baxayey lacag gaareysa 6 milyan oo dollar oo ahaa dhismaha wadada inta u dhaxeysa tuulooyinka [Jalam iyo Xarfo], ayaan sidii la rabay loo fulin iyadoo qandaraaskaasi dowlada Puntland siisay shirkado laga leeyahay deegaanada Puntland.

Shirkada Qandaraaska la siiyey ee [Is-xilqaan] ayaa bishii Abril 2017 ku guuleysatey mashruuca dayactirka wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garoowe, waxaana ay shaqada bilaabeen bishii May 2017, iyada oo xiritaanka mashruuca ay ka harsan tahay muddo sanad ah keliya. Shirkadan ayaa ku dooday in aan lasiin dhaqaalihii ay u baahnaayeen, waxayna eeda dusha ka saareen shirkada mataleysay Germany ee GIZ, balse waxaa doodaasi beenisay dowlada Germany oo sheegtay in dhaqaalaha mar-walba diyaar la-la ahaa balse shirkada hawsha waday aysan buuxin sharuudihii u dajisanaa qaabka hirgelinta oo ay garab mareen.

Halkan ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Dowlada Germany ee mashruuca Wadada Garowe-Gaalkacyo oo dhameystiran. Press Statement: ÔÇ×Sustainable Road Maintenance Project” in Puntland-Somalia

Mashruucan ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo bilowgiisa iyo dhameystirkiisa laga sugayey Xukuumada Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, halka mashaariicda kale ee Puntland laga fuliyey ay ahaayeen kuwii ay dowladan ka dhaxashay xukuumadihii ka horeeyey.

Illaa iyo hada dowlada Puntland wax war ah kama soo saarin fashilkan taariikhiga ah ee uu musuq maasuq darteed ugu burburay mashruucii dhismaha wadada Garowe-Gaalkacyo oo ah mid kamid ah illaha dhaqaalaha ee laf dhabarta u ah deegaanada Puntland.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *