Madaxweyne Farmaajo oo shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda Maamul goboleedyada

Published: September 8, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ah ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Qodobada looga hadli doono shirka ayaa waxaa ka mid ah arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish, hir gelinka siyaasadda loo dhanyahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay adkeynayso in xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Soomaalida, iyada oo loo marayo hab ku saleysan wadatashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda qaranka, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Shirka ayaa ka dhici doona magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya 17-ka ilaa 18-ka Sebteembar 2018 ayaa looga wada-tashan doonaa dar-dargelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka.

Madaxda Maamul goboleedyada oo maanta shir ugu soo gabagaboobay magaalada Kismaayo ayaa ku dhawaaqay inay hakiyeen wada shaqeynta ay la lahaayeen dowladda

Sidoo kale waxaa shirka looga arrinsan doonaa arrimo muhiim u ah hannaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *