Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo sheegay in Madaxda Soomaalida looga bahan hormarinta & Jihaynta Dhalinyarada (Dhagayso).

Published: September 8, 2018

Garowe (HM):- Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cumar Camey oo ka hadlay munasabad lagu sagootinayey 10 arday oo deeq waxbarashadda dalka dibadiisa wasaaradda waxbarashadda Puntland ugu dirtay ayaa sheegay in loo bahanyahay in xil gaar ah la iska saaro sidii loo diyaarin lahaa saaxo shaqo oo lagu howlgaliyo ardayda sanad kasta soo qalin jabinaysa.

Madaxweyne Camey waxaa uu wax laga xumaado ku tilmamay Hay,adahan dalka ka shaqeeya oo dibada ka keensanaya shaqaale ajnabi ah,oo loo qadanayo shaqo uu qaban karo qof soomaali ahi,waxaana uhoga tusaleeyey sida ay muhiimka u tahay inlaga hortago howshaas oo xilliyo badan dhacda,si ardayda soo qalin jabinaysa shaqo abuur loogu helo “Dowladda Faderalka & Madaxda Maamul goboleedyadu waxay ku mashquulsanyihiin,waxaan leeyahay war dadka iyo dalka hoos haloo eego oo halaga fakero shaqo abuurka dhalinta”Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Madaxweyne kuxigeenku waxaa uu ardayda ku booriyey in ay ka faaiidaystaan fursadaan lacag l,aanta ah ee ay ka heleen dalka dibadiisa,10 arday ayaa uGu sare maray natiijadii Imtixaanka Shahaadiga ahaa ee sanad dugsiyeedka 2017-2018 ee Puntland.

Halkaan ka dhagayso Codka Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Horseed Media.net

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *