Musharax Eng. Jabiye oo baaq u diray beelaha ku dagaalamay deegaanka Dhumey

Published: September 8, 2018

Musharax Eng. Maxamuud Khaliif Xasan oo ku magac dheer Eng. Jebiye, isla markaana ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaanada Puntland ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya deegaanka Dhumey ee gobolka Sool .

Musharax Maxamuud Khaliif Xasan ayaa baaq nabadeed u direy beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanka Dhumay, waxa uuna sheegay in colaadda ay ka dhalato foolxumo iyo dhiig la daadiyo, taasi oo dhibataada ka dhalata ay shacabka ka saameynayso adduun iyo aakhiro colaadaas waxay u baahan tahay in halkaas lagu joojiyo.

Musharax Eng. Jebiye ayaa marka hore baaq u direy beelaha dagaalku dhexmaray ee dadka iska laayey, waxaana uu ugu baaqey in si shuruud la`aan ah dagaalka loo joojiyo, dagaalku waxuu sababaa qof dhinta ama qof dhaawacma ee wax lagama faaiido colaada labada beeloodna wey soo noqnoqotay marka waa in loo wada istaagaa joojinteeda.

Musharax. Maxamuud Khaliif Xassan ayaa sidoo kale baaq u direy maamulka Puntland, Isimada, Culimada iyo dhamaan qofkasta oo wax ka geysan kara deminta colaadaas in caqli, muruq iyo maalba la isugu geeyo sidii loo dhameyn lahaa colaadaas, waxaana uu tusaale u soo qaatey colaada inuu wiilku dhintee aan wiil ku dhalan dhiig muslimna uu daadanayo.

Maxamuud Khaliif Xasan Eng. Jebiye ayaa ugu dambeen baaq u direy dadka qurba joogta ah ee ka soo kala jeeda beelaha dirirtu dhexmartey, wuxuuna sheegay in qurba-joogto ay door muhim ah ka ciyaaraan horumarka dalka, hatana laga doonayo sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen sidii colaada loojojin lahaa , ayna ka qayb-qaataan maslaxadda iyo inay wax ka qabtaan dadka dhaawacyadu gaareen gacan laga gaysto.

Musharax Maxamuud Khaliif Xasan (Eng. Jebiye) ayaa ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Soomaaliyeed, waxaana uu ka qayb-qaataa mashaariic badan oo dalka lagu hormarinaayo, waxaana uu ganacsi ku lee yahay dalal badan oo caalamka ka mid ah oo ay kamid yihiin, Soomaaliya, Kenya iyo weliba dalka Maraykanka.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *