Wararkii ugu dambeeyay shirka golaha iskaashiga M/goboleedyada

Published: September 8, 2018

Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in lasoo gaba gabeeyo warmurtiyeedna laga soo saaro shirka golaha iskaashiga maamul goboleedyada ee maalmihii ugu dambeeyay ka soconayay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka u ah maamulka Jubaland.

Shirka oo furmay 4-tii bishan September ayaa madaxda maamulada waxa ay uga hadlayeen arrimo ay kamid yihiin qeybsiga kheyraadka, arimaha dastuurka iyo sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyo ay horey u ula gaareen dowladda dhexe.

Guriga Martida oo ah halka madaxda maamul goboleedyada ay ku shirsanaayeen ayaa wararkii ugu dambeeyay ee nagasoo gaaraya ay sheegayaan in halkaasi looga yeeray bahda warfideeyanada goordhowna gudiga shirka iskaashiga ay saxaafada u akhrin doonaan warmurtiyeedka kasoo baxay shirka.

14-kii bishii March ee aynu kasoo gudubnay ayay ahayd markii shirkan kii ka horeeyay ay madaxda maamul goboleedyadu ku yeesheen magaalada Baydhabo iyadoona la xasuusto xiligaasi in lagasoo saaray warmurtiyeed badi lagu dhaliilayay madaxda dowlada federaalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa noqonaya kii sadexaad oo ay yeeshaan madaxda ku bahoobay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada tan iyo markii la aas aasay bishii October sanadkii 2017-kii, markaas oo uu khilaaf siyaasadeed xoogani soo kala dhex galay madaxda Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Horseed Media 2018

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *