Diiwaanka Musharixiinta Puntland 2019: Faarax Cali-shire Jaamac (Afbalaar)

Published: September 9, 2018

Diiwaanka musharixiinta tartanka doorashada Madaxweynaha Puntland 2019 waxaa todobaadkan ku saabsan yahay siyaasi Faarax Cali Jaamac (Afbalaar). labadii musharax ee ka horeeyey ayaa kala haa Madaxweynaha xilka haya Dr Cabdiweli Cali Gaas oo aan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin iyo Siciid Cabdulaahi Deni.

Waa kuma Faarax Cali Shire?

Faarax Cali-shire Jaamac (Afbalaraar) waxa uu ku dhashey deegaan hoos yimaada degmada Eyl ee gobolka Nugaal sanadku markuu ahaa 1957 (61 jir), waxabarashadiisa hoose dhexe waxa uu ku qaatey gobolka Nugaal, kadib waxa uu u wareegay magaalada Muqdisho.

Faarax Cali-shire Jaamac waxa uu ku soo barbaarey guri siyaasadeed, waxaa soo koriyey adeerkiis caan ahaa oo ka soo shaqeeyey dowladihii hore ee Soomaaliya waa Maxamuud Jaamac Afbalaar oo ahaa nin si weyn looga yaqaaney Soomaaliya, kana mid ahaa asaasayaashii Puntland, Afbalaar waxa uu kamid ahaa odoyaashii Maanifesto ee la xirey sanadkii 1990, sidoo kale wuxuu kamid ahaan jiray Goosankii Afsoomaaliga.

Xogta ay hayso Horseed ayaa sheegaysa in Faarax Cali-shire isaga oo yar ka mid noqdey ciidankii Soomaaliya, sanadkii 1978 ayuu kamid noqdey dhalinyaradii loo xiray Inqilaabkii Col. Cirro hoggaaminayey (Xabsigii Abril) waxaana uu muddo u xirnaa Dowladii xiligaas jirtey oo xabsiyada u taxaabtey dhalinyaro iyo saraakiil badan oo looga shakisanaa Inqilaabka.

Siyaasi Faarax waxa uu mar ka soo shaqeeyey Wasaaradii Qorsheynta ee Soomaaliya, sanadihii sideetamaadkii 1980s.

Faarax Cali-shire Jaamac waxa uu kamid noqdey ardeydii mac’hadkii Maamulka iyo Xisaabaadka ee SIDAM, halkaas oo ku bartey aqoonta xisaabaadka.

Burburkii Dowladdi Soomaaliya waxa uu kamid noqdey dadkii ka qaxay Soomaaliya, waxaana uu muddo ku noolaa dalka New Zealand. Mudadii uu New Zealand ku noolaa waxa uu halkaas ka galay Jaamacad waxaana uu ka qaatey shahaadada kowaad, kadib waxa uu u wareegay dalka Australia. Shahaadada heerka labaad ayuu ka qaatey jamacad ku taala Australia, waxaana uu ku shaqeeyey Xisaabiye.

Bilowgii siyaasaddiisa

Faarax Cali-shire ma ahayn nin lagu yaqaaney arrimaha siyaasadda, mana fogeyn xiligii uu siyaasadda cagaha soo geliyey, sanadkii 2009 ayey ahayd fursadii u horeysey ee shaqada siyaasaddu soo marto, waxaa Wasiirka Maaliyadda ee Puntland u magacaabey Cabdiraxmaan Faroole oo ay kuwada noolaan jireen dalka Australia.

Siyaasi Faarax Cali Jaamac waxa lagu qiimeyn karo siyaasadiisa waa muddadii shantii sano ahayd ee uu ahaa Wasiirka Maaliyadda Puntland, ma jirin taariikh kale oo siyaasadeed oo uga horeysey.

Wuxuuna Farax kamid ahaa Wasiiradii xubnaha ka noqday xisbigii uu dhistay Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Faroole ee doonayey inay awooda dalka la wareegaan, inkastoo qorshihii xukumadaasi ee nidaamka axsaabta siyaasada uu kusoo dhamaaday fashil uu dhiig ku daatay.

Markii uu ahaa wasiirka Maaliyada

Janaayo 29 sanadkii 2009 ayuu xilka kala wareegay Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) oo xilkaas hayey muddo afar sano ah. Waxyaabaha lagu wareejiyey Faarax Cali-shire waxaa kamid ahaa deyn/qaan is biirsatey oo soo jiitamaayey ilaa sanadkii 2003 sida Gaagaab sheegay, taas oo ahayd dhawr milyan oo dollar.

Faarax Cali-shire ayaa munaasabadii uu xilka kula wareegaayey diidey inuu aqbalo ama uu lawareego deyntaas, wuxuu si cad u sheegay in aan lagu lahayn, isaga iyo dowladda midna, loona soo doonan karin deyntaas, dadka ay ka maqan tahayna ay tahay lacag ay ku maalgashadeen dowladooda iyo dalkooda!

Khudbadii uu jeediey maalintii uu xilka la wareegay

Nasiib darro sanadkii 2014 bishii Febaraayo, Faarax Cali Shire waxa uu wasiirkii xilka kala wareegaayey ee Shire Xaaji Faarax ku wareejiyey deyn lamid ah tii uu diidey xiligii uu isagu xilka la wareegay oo uu sheegay in “Red off” la saaro deyntaas gabowdey oo kale.

Waxaa si weyn loogu amaanaa in dhaqaalaha yar ama Miisaaniyadda ay Wasaaraddu isku daydey in ay ku filnaato. Intii u dhexeysay 2009-2012 shaqaaluhu si wanaagsan ayey u helayeen mushaharkooda iyo gunnooyinka, sanadkii u danbeeyey ee 2013 waxaa ku yimid isbedel waxaana u xilka wareejiyey iyada oo shaqaaluhu lee yihiin muddo 9-11 bilood ah mushaharkoodi, si kastaba waxyaabaha ugu waaweyn ee Faarax Cali-shire lagu amaani jirey ayaa ah joogteynta bixinta mushaharaadka iyo gunnooyinka, marka laga reebo sanadkii u danbeeyey ee maamulkii Cabdiraxmaan Faroole.

Wuxuu dhaqan gelinaya talooyinkii wasiirkii ka horeeyey waxa uu yareeyey lacagta loo yaqaan FADLAN ee dadka shacabka ah loo qori jirey. Dadka arrintan naqdiya waxay sheegaan in aan lacagta fadlantu si rasmi ah u joogsan, ee dadka qaadanaayey ay ahaayeen kuwo yar oo ku jira xayndaabka Dowladdii Cabdiraxmaan Faroole.

Waxyaabaha kale ee lagu xusuusto waxaa ka mid ahaa hirgelinta lacagta cashuurta in lagu qaado $ dollarka Maraykanka, kadib markii sicirka dollarku uu noqdey mid aan fadhiyin oo u dhexeeyey hoos u dhac aad u weyn iyo sare u kac aad u sareeya, taas oo keentey in iibka alaabaha iyo sicirkuba guud ahaan Puntland isu bedalaan lacagta Dollarka oo aan ahayn lacagta dalka.

Dhaliilaha markii uu wasiirka ahaa.

Dhismayaasha Xarumaha wasaaradda: Maxamed Cali Yusuf Gaagaab oo ahaa wasiirkii ka horeeyey, waxa uu dhisey dhismaha weyn ee hadda wasaaradda Maaliyaddu ku shaqeyso ee dekadda Boosaaso gudaheeda, Wasiirkii kale ee ka danbeeyey waa Cabdillaahi Sheekh Axmed waxa uu dhisey dhismaha weyn ee Wasaaradda Maaliyaddu ay ka deggan tahay magaalada Garoowe dhaqaalaha ku baxay labadaas xarumood ee waaweyn waxaa bixisay Wasaaradda, laakiin Faarax Cali-shire uma suurtagelin xiligiisi in uu wasaaradda u dhiso dhismo ay ku shaqeyn karto oo u qalma ka wasaarad ahaan. Siyaasi Faarax Cali Shire wuxuu sheegay in ay dhiseen Madaxtooyada Garoowe oo ah dhisme aad u weyn, inkasta oo lacagtii lagu dhisey inteeda badan oo deyn ah ku wareejiyey Xukuumadda Cabdiweli Gaas sida uu isaguba sheegay.

Awoodiisa shaqo: Waxaa jira in dadka Soomaalidu qofkasta oo siyaasi ah wax ku xamato, taas oo ay dhici karto in aysan jirin ama tahay mid dhab ah, waxyaabaha ugu waaweyn ee xiligisi lagu eedeyn jirey ayaa ah in aanu u madax-banaaneyn shaqadiisa oo go’aamada ay la wadaageen gacan yarayaasha Madaxweyne Faroole iyo wiilka curadkiisa ah, Faarax Cali-shire oo la weydiiyey su’aashaas sanadkii 2015 waxa uu ku tilmaamey mid aan waxba ka jirin, cid faro-gelin siyaasadeed ku haysay aysan jirin ee uu ku shaqeyn jirey xeerka Miisaaniyadda ee baarlamaanku ansixiyey.

Musuqmaasuqa: Inta badan siyaasiyiinta Puntland markii ay xilka ka degaan waxaa lagu arkaa in ay leeyihiin guryo waaweyn, gawaari qurxoon iyo weliba kuwo gaashaaman, Puntland kama jirto nidaam siyaasiga lagu diiwaan geliyo hantidiisa ka hor inta aanu xilka qaban uu lee yahay taas oo ah raad la raaci karo haddii baaritaan loo baahdo, sidaaa darteed arrimaha lagu eedeeyo Faarax Cali-shire iyo kuwa lamidka ah Warsidaha Horseed ma sii dabo gelaayo maadaama aysan jirin diiwaangelin hanti ee la raaci karo.

Xalinta colaadaha beelaha: Wasiirka Maaliyada ee Puntland waxaa lagu tilmaamaa Wasiirka kowaad ama Raysalwasaare waxa uu kamid yahay wasiirada ugu awooda badan, maamulkii Puntland ee Xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole waxay ka gaabisey in ay wax ka qabato colaadaha dhex mara beelaha, si toos ah ayaana Madaxweynuhu u sheegi jirey in aysan shaqadooda ahayn beelaha is dilaya. Siyaasi Faarax Cali-shire waxaa lagu dhaliilaa in aanu gacan ka geysan wax ka qabashada coladii 2009-2011 ee gobolka Bari ka dhacdey, taas oo ay ku nafwaayeen dad badan, waxaa dad badan ku dodaan in ay ahayd siyaasi Faarax Cali in uu uga hor yimaado maamulkii uu ka tirsanaa siyaasada xalinta colaadaha beelaha ay ka qaateen, maadaama ay isaga si toos ah u taabaneysey arrintan isaga oo ahaa Wasiirka ugu awooda badan ee gobolka bari ka soo jeeda colaaduna ay ka taagneyd ardaagiisi.

Shakhsiyadda iyo qof ahaanta Faarax

Dadka yaqaana Faarax Cali Jaamac waxay Horseed u sheegeen in uu yahay qunyar socod, dabeecad wanaagsan oo ceeb yar iskaana ilaaliya dhaadhac shakhsiyadeed.

Musharaxnimada Xafiiska Madaxweynaha Puntland 2019

Faarax Cali-shire Jaamac waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu u tartamayo markii u horeysey doorashada Madaxweynaha Puntland 2019.

Siyaasi Faarax Cali-shire kamid maaha siyaasiyiinta sanadkan hankooda u leexiyey in ay Puntland ka hirgeliyaan wixii laga bartey doorasho dadban 2016 ee ahayd in Xildhibaano la soo saaro, inkasta oo la dhihi karo nidaamkaasi waaba ka horeeyey 2016 oo waxay Puntland ka hirgashey 2013, markii beelaha qaarkood sheegeen in maamulkii markaas jirey ay ka bobeen Xildhibaanadii ay soo dirsadeen oo ka ansixiyeen guddigii xalinta khilafaadka kuwo iyaga u codeynaya.

Fursadda uu lee yahay siyaasi Faarax Cali-shire Jaamac in u noqdo Madaxweynaha Puntland ayaa la ogaan karaa dhamaadka sanadkan 2018, waxaase dad badan ku dodayaan in ay yar tahay marka la eego ololihiisa doorashada.

Faallooyinka taxanaha ah ee aan ku eegayno kuwa doonaya in ay u tartamaan doorashada Puntland 2019, ayaa hadda kadib noqon doona labadii todobaadba mar. Musharaxa afaraad ayaa Horseed xogtiisa iyo waxa aan ka ognahay la soo bandhigayaa 25-26 bishan Siteembar 2018.

Horseed Media Team

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *