Jubbaland oo sheegtay in ay hakisay wada shaqeynta dowlada dhexe

Published: September 10, 2018

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in gabi ahaan uu hakiyay xiriirkii wada shaqeyneyd ee kala dhexeeyay hay`adaha kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasiiru dowlaha Madaxtooyada maamulka JubbalandAxmed Xasan ayaa lagu sheegay in dhamaan hay’adaha dowliga ee maamulkaasi la faray hakinta wada shaqeyntii hay`adaha dowladda ay la lahaayeen.

“Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa fartay dhammaan hay`adaheeda dawligga ah in la hakiyo wada shaqayntii ay la lahaayeen hay`adaha iyo Wasaaradaha dowladda federaalka.

Arrintan ayaa daba socota go’aankii madaxda maamul goboleedyada ay sabtidii kasoo saareen wada shaqeyntii dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada ayna ku sheegeen in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowlada federaalka Soomaaliya kadib shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Jubaland ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyay ee si cad u sheega in uu hakiyay wada shaqeynta dowlada dhexe xili madaxda maamul goboleedyada qaarkood ay isku khilaafsan yihiin go’aanka dowlada dhexe xiriirka loogu jaray lana hakiyay wada shaqeynta guud ee ay la lahaayeen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *