Madaxweynaha Sudan oo casilay dhamaan Golihiisii Wasiirada

Published: September 10, 2018

Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Al Bashiir ayaa Axadii shalay gebi ahaan kala diray Golihiisii Wasiirada, si uu wax uga qabto xaalada dhaqaale ee dalkaasi ka jirta.

Tirada Golaha Wasiirada oo horey u ahayd 31 xubnood ayaa la sheegay in la yareyn doono oo laga dhigi doono 21 Wasiir.

Xubnaha xilka laga qaaday ayey ku jiraan Raysalwasaaraha, Wasiirada Federaalka iyo Wasiir dowlayaasha.

Xaalada dhaqaale ee wadanka Sudan ayaa sii xumaaneysay sanadihii lasoo dhaafay, iyadoona heerka sicirbararka dalkaasi uu gaaray 65%. Waxaana hoos si weyn ugu dhacay qiimaha lacagta dalkaasi.

Bilowgii sanadkan ayey wadankaasi ka dhaceen banaanbaxyo ay shacabka dhigeen kadib markii uu sii kordhay qiimaha ay ku gadan jireen rootiga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *