Musharax Faarax Cali Shire oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaso-Sawiro

Published: September 10, 2018

Musharax Faarax Cali Shire oo ka mid ah Musharaxiinta Puntland ee u taagan xilka madaxweynimo ee doorashada 2019-ka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaso.

Soo dhaweynta Musharax Faarax Cali Shire ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka gobolka Bari, kan Degmada Bosaso iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Faarax Cali Shire ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso, isagoona marki hore ka soo amba baxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya.

Musharax Faarax Cali Shire ayaa u gacan qaaday dhammaan dadkii ku soo dhaweeyey magaalada Bosaso, isla markaana ka mahad celiyey sid awanagasan ee loo soo dhaweeyey.

Intaa kadib Musharax Faarax Cali Shire ayaa loo soo galbiyey magaalada, iyadoo uu guriiga ku booqday beeldaajaha guud ee beelaha Cali Saleemaan beeldaaje Maxamad beeldaaji Ismaaciil.

Musharax Faarax Cali Shire ayaa lagu wadaa in uu la kumo inta uu ku sugan yahay magaalada bulshada qeybaheeda kale.

https://www.youtube.com/watch?time_continue=42&v=kEPibJWnMqw

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *