Qarax Ismiidaamin ah oo lala beegsaday xarunta degmada Hodan

Published: September 10, 2018

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu qarxiyay xarunta degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa laga maqlayey guud ahaan magaalada oo dhan, iyadoo cirka isku shareeray qiic iyo uuro.

Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadan oo ah madaxa gaadiidka gurmadka deg-deg ah ee Aamin Ambulance ayaa warbaahinta u sheegay inay 16 qof oo dhaawac ah ay goobta qaraxa ka qaadeen, sidoo kalena shaqaaluhu arkeen maydadka shan qof.

Qarax ayaa bur-buriyay xarunta degmada Hodan iyo dhismayaal ku dhow-dhow.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa durba sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasl.

Bishan labadeedii ayey ahayd markii qarax lagu bartilmaameedsaday xarunta degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *