SYRIA: Bashaar oo xoojiyey duqeynta Idlib iyo Turkiga oo ciidamo dheeraad ah soo diray

Published: September 10, 2018

Diyaaradaha dagaalka ee dowlada Bashar Al Assad ee Siiriya iyo xulafadooda Ruushka ayaa xoojiyey duqeynta ay ku wadaan gobalada Idlib iyo Waqooyiga Hama oo ay gacanta ku hayaan xoogaga Mucaaridka.

Gobalka Idlib oo ay hada ku sugan yihiin malaayiin baro-kacayaal ah oo ka yimid gobalada kale ee dalka iyo dhulka ay qabsadeen ciidamada Bashaar ayaa cabsi weyn ka qaba abaabulka duulaan balaaran oo ay ciidamada Bashaar iyo kuwa Ruushka doonayaan inay ku qabsadaan gobalkaasi ku yaal Waqooyi-Galbeed wadanka Siiriya.

Turkiga oo xuduud la wadaaga gobalka Idlib ayaa ka cabsi qaba in duulaankan uu sababo qaxooti badan oo dhulkooda soo gala, wadanka Turkiga ayey hada ku sugan yihiin in ka badan 2 milyan oo ah qaxootiga ka yimid Siiriya.

Dadaalkii ay dowlada Turkiga waday in xabad joojin lagu dhawaaqo ayaa lagu fashilay kadib markii uu Ruushka diiday soojeedinta Turkiga, kulan ay Jimcihii ku yeesheen caasimada Iran ee Tehran.

Axadii shalay ayey ciidamo horleh oo ka yimid Turkiga gudaha usoo galeen gobalka Idlib si ay u xoojiyaan ciidamada Turkida ee gobaladaasi ku sugan, arrintan oo muujineysa in Turkiga uusan eegan doonin duulaan ay xulafada Bashar Al Asad kusoo qaadaan dhulkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *