Trump oo weli baaraya mucaaridkiisa ku dhex qarsoon Xukuumadiisa!

Published: September 10, 2018

Saraakiisha Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo ayaa sheegaya in Trump iyo xubnaha ku dhaw dhaw ay weli baarayaan shaqsiga kamid ah xukuumadaasi ee sida qarsoodiga ah xogta u siiya Jariirada New York Times.

Jariirada New York Times ayaa maalmo kahor daabacday qoraal uu qoray Xubin sare oo ka tirsan Xukuumada Trump, mas`uulkaasi oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in uu kamid yahay xubnaha doonaya inay ka hortagaan siyaasada khaldan iyo khatarta ka imaan karta Donald Trump.

Wuxuu qofkaasi sheegay inay jiraan xubno badan oo kamid ah Dowlada Maraykanka oo si weyn uga soo horjeeda hab-dhaqanka Trump isla markaana doonaya inay si qarsoodi ah uga hortagaan go`aamada khaldan ee kasoo baxaya Madaxtooyada Maraykanka.

Xogtan ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirada qaarkood ay horey udoonayeen inay adeegsadaan awooda dastuurka siinayo ee qodobka 25aad oo u fasaxaya Golaha Wasiirada inay xilka ka xayuubin karaan Madaxweynaha, balse tilaabadaasi aysan ku dhaqaaqin iyagoo ka cabsi qaba in arrintan ay keento khilaaf dastuuri ah oo dalkaasi ka dhasha.

Saxaafada Maraykanka ayaa maalmahan si weyn uu baarayey shaqsiga is-qariyey ee maqaalka ku daabacay New York Times, waxayna in badan tuhmeen Madaxweyne kuxigeenka Mike Pence oo luuqadiisa laga dha-dhansaday ereyada qoraalkaasi loo adeegsaday.

Balse Mike Pence ayaa beeniyey inuu isagu yahay qofka qoraalkaasi qoray, waxaa sidoo kale iyaguna iska fogeeyey in ku dhaw 60 madaxda sare ee dowlada Maraykanka oo dhamaantood beeniyey inay iyagu yihiin qofkaasi la baadi goobayo.

Qoraalka New York Times lagu daabacay ayaa kusoo beegmay xili lagu wado in Salaasada beri ah la shaaciyo Buug uu qoray Suxufiga caanka ah ee Bob Woodward oo ka hadlaya jahwareerka ka dhex jira xukuumada Trump iyo sida ay in badan oo kamid ah Saraakiisha sare ee xukuumadaasi uga cabsi qabaan falalka uu ku kacayo Madaxweynahooda.

Buuga Bob Woodward oo ciwaankiisu yahay CABSI (FEAR) ayaa diirada lagu saaraya “cabsida” ka dhex jirta Aqalka Cad iyo xukuumada Maraykanka oo ay saraakiisha ugu sareysa walaac weyn ka muujinayaan Trump inuu yahay shaqsi aan lagu aamini karin xilkaasi. Wuxuuna suxufigan oo horey wax badan uga qoray Madaxweynayaashii dalkaasi sheegay, inuu hayo codod badan oo uu ka duubay xubnihii sida qarsoodiga ah wareysiyada u siiyey.

Bob Woodward ayaa kamid ahaa suxufiyiinta shaaca ka qaaday Fadeexadii Water-Gate ee galaafatay xilkii Madaxweynihii hore ee Nixon.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *