Xukuumada Trump oo xiriir lalaheyd militarigii doonayey inay inqilaabaan Dowlada Venezuela

Published: September 10, 2018

Warbixin ay daabacday jariirada New York Times ayaa lagu sheegay in xukuumada Maraykanka ee Donald Trump kulamo qarsoodi ah la yeelatay saraakiil ka socotay militariga dalka Venezuela ee doonayey inay afgembiyaan Madaxweynaha dalkaasi Nicolas Maduro.

Qorshaha ay ka wadahadleen labada dhinac ayaa la sheegay inuu ahaa in inqilaab militari xilka looga tuuro Maduro, waxayna saraakiishaasi ka socday Venezuela doonayeen in qorshahan fulo bartamihii sanadkii hore 2017, waxayna markii labaad isku dayeen bishii May ee sanadkan.

4tii bishii Agoosto ee la soo dhaafay ayuu Madaxweynaha Venezuela ka badbaaday iskuday dil kadib markii diyaarad Drone ah oo gantaalo siday ay ku qaraxday meel ay ka dhaceysay munaasabada sanadguuradii 81aad ee militariga dalkaasi oo lagu waday inuu khudbad ka jeediyo Nicolas Maduro.

Maduro ayaa isku daygaasi ku eedeeyey Maraykanka iyo xulafadiisa. Inkastoo Madaxweynaha Venezuela weerarkaasi ka badbaaday waxaase qaraxaasi ku dhaawacmay ugu yaraan 7 qof.

Dowlada Venezuela marar badan sheegtay in Maraykanka ka danbeeyo inqilaabyadii fashilay ee dalkaasi ka dhacay ayey hadana noqoneysaa markii ugu horeysay oo xog rasmi ah laga helo kulamada qarsoodiga ah ee dhexmaray saraakiisha Maraykanka iyo kuwa ka socday Militariga Venezuela.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *