Yaa ku guuleystey doorashadii dalka Sweden? Faallo

Published: September 10, 2018

Doorashadii Baarlamaanka ee dalka Sweden ka dhacdey maalintii shalay ee Axadda ayaa natiijadii codbixintu noqotey mid aad u xiiso badan, Xisbiyo badan ayaa ku dhawaaqey in ay guuleysteen, inkasta oo ay waayeen kuraas badan oo ay horey u haysteen, waxay qaadanaysaa todobaadyo ama bilo inta dalka Sweden ka helaayo Xukuumad cusub.

Taageerayaasha Xisbiga Midigta fog ee SD oo u dabaaldegaya guushoodi

Xisbiga Sooshal Dimoqraadiga ayaa noqdey Xisbiga ugu weyn ee dalka Sweden, taas oo ka dhigeysa Rayslawasaaraha hadda xilka haya Stefan Lofven in neef kulul ka soo boodo, natiijadu ma noqon mid u liidata ama ka xun sida la saadaalinaayey, laakiin waxay ahayd doorashadi ugu xumeyd ee Xisbiga Sooshal Dimoqraadigu ay galaan muddooyinkan.

Xisbiga hantigoosadka ee Moderaterna ayaa noqdey Xisbiga labaad waxaana u xejistey booskii uu markii hore ku jirey, Xisbigaani ma noqon mid ay booska ka riixdan Xisbiga ay ku badan yihiin afkaarta xagjirnimada iyo cunsurinimada ee Iswidhish Dimoqraadiga SD, Xisbiga Hantigoosadka ee Moderaterna ayaa si lamid ah Xisbiga kale ee weyn (S) u dhumiyey kuraas badan.

Xisbiga SD ee ololaha doorashada ku galay ajnabi nacaybka iyo in uu ka hortagaayo sogalootiga ayaa habeenkii xalay guusha u weyn gaarey, wuxuu noqdey Xisbiga saddexaad ee Sweden ugu weyn, niyad jabka u weyn ee hoggaamiyaha Xisbigaas Jimmie Akesson soo gaartey ayaa ah in xisbigiisu noqon waayey kan labaad ee ugu weyn dalka Sweden sida markii hore loo saadaaliyey, si uu xukuumadda wax uga soo dhiso, kuna dirqiyo kooxda Midigta dhexe in ay miiska soo fariistaan.

Xisbiyada dalka Sweden ayaa u qaybsan laba xulafo ama Isbahaysi, Xisbiyada dhanka bidixda ee casaanka iyo cagaarka ayaa ah Sooshal Dimoqraadiga, Xisbiga Kumuniistaha iyo Xisbiga Deegaanka, waxaana ay heleen 144 Xildhibaan, Isbahaysiga kale ee Midigta dhexe oo ay hoggaamiyaan Moderaterna ayaa helay 143 Xildhibaan isku dar. Xisbiga SD ee ay ku badan yihiin dadka xagjiriinta ah kana soo horjeeda siyaasadda soo galootiga ayaan dab yar shidin waxaana keligood ay heleen 63 Xildhibaan.

Dhismaha xukuumadda ayaa noqon doono mid gorgortan xooggan uu ka dhaco, Xisbiyada doonaya in ay dhisaan xukuumad ayaa laga doonayaa in ay haystaan 175 Xildhibaan oo ah aqlabiyadda, taas oo isbahaysi kastaa aanu haysan suurtagalna aan ahayn.

Xisbiga SD ee afkaarta xagjirnimada, Yurub nacaybka iyo ka soo horjeedka soogalootigu ku badan yahay ayaan la sii go’doomin karin waxaana ay wataan ugu yaraan 20% codadka dadka Sweden, Xisbigaan waxa uu doonayaa in uu Dowladda la soo dhiso Isbahaysiga Midigta dhexe ee Xulafada loo yaqaan, laakiin labada xisbi ee Bartamaha iyo Libiraalka ee Xisbiga Moderaterna kula jira ma doonayaan in ay dhex fadhiyaan Xukuumad SD wax ka soo dhistey, taas oo Xisbiga Moderaterna aysan suurta gal u ahayn in uu SD keliya Xukuumad la soo dhiso.

Xisbiyada kale ee bidixda oo codbixiytaashoodi uu qaatey SD ayaa qudhoodi aan dooneyn in ay Xukuumad la soo dhisaan Xisbiga SD.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasada ee dalka Sweden ayaa sheegaya in go’doomin kasta oo lagu siyo Xisbiga SD ay kor u sii kacayso taageerayaashiisu taas oo mar ka dhigi karta in uu noqdo Xisbiga ugu weyn dalka Sweden, waxaana ay ku talinayaan in xisbigaani haysto taageerada dadka ugu yaraan 20% sidaas darteed ay tahay in xukuumada ay wax ka so dhisaan, taas oodedejin karta fashilkooda, oo hungo ku dhamaato ballanqaadkooda ay u sameeyaan dadka ajnaebi nacaybka dartiis ugu codeeya sida horey loo soo tijaabieyey dalal kamid ah Yurub.

Si kastaba waxaa muuqata in Xisbiyada xulafada ah ee casaanku soo dhisi doonaan Xukuumad, waxaa la is weydiinayaa sida Steafen Lovfen ka yeeli doono Xisbiga Kumuniistaha ah (V) oo qudhoodu guul gaarey habeenkii xalay kana mid ah Midowga Casaanka iyo Cagaarka laakiin aan xukuumaddii hore ku jirin o banaanka la dhigay, si loo badbaadiyo Xukuumad aan aqlabiyad ku dhisneyn.

Xukuumad kasta oo la soo dhiso ayaa noqon doonta mid aan haysan aqlabiyad si lamid ah tii hore.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *