Yemen: Dagaalka Xudeydah oo sii xoogeystay kadib burburkii Wadahadalka

Published: September 10, 2018

Dagaalka ka socda magaalada Xudeydah ayaa sii xoogeystay shalay iyo maanta oo Isniin ah kadib markii lagu fashilay wadahadalkii laga dhex waday kooxda Xuuthiyiinta iyo Xulafada Dowlada Yemen, Sacuudiga & Imaaraatiga.

In ku dhaw 100 qof ayaa tan iyo shalay lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dagaalada iyo duqeynta ka socota magaalada dekada-leh ee xudeydah.

Kooxda Xuuthiyiinta ee magaalada gacanta ku haya ayaa ku eedeeyey xulafada Sacuudiga inay duqeyn ku dileen dad badan oo rayid ah, halka Sacuudiga uu sheegay in shacabka dhintay ay ku qarxeen miinooyin ay dhigeen xuuthiyiinta xili ay ka qaxayeen magaalada.

Sabtidii lasoo dhaafay ayuu burburay wadahadalkii la filayey in dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen ay ku yeeshaan magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Kulankaasi Geneva oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ayaa fashilay kadib markii ay goobta wadahadalka imaan waayeen xunihii ka socday dhinaca kooxda Xuuthiyiinta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *