Horseed Media

Golaha xukuumada Puntland oo ka hadlay wadada Garowe iyo Gaalkacayo.

Kulan ay isugu yimaadeen golaha xukuumada puntland oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada puntland Garoowe ayaa looga hadlay arimaha amniga, dhismaha wadada jalam  iyo Gaalkacayo sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaaday shirkii dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in xukuumadu ay sheegtay in wadada jalam iyo gaalkacayo ay meel wanaagsan marayso sidoo kale waxay sheegtay wasaarada hawlaha guud  in asbuucaan la bilaabi doono saarista daamuurka inta u dhaxaysa burtinle iyo xarfo,  ugu danbayna waxaa lagu sheegay war murtiyeedka soo baxay in dawladu  xil wayn ay iska saari doonto dabalka hawlaha wadada, guud ahaan shirka laguma soo qaadin warkii ay asbuucaan sii daysay hay’ada GIZ oo laga leeyahay dalka Germany taasi oo bixinaysay dhaqaalaha wadadaan balse sheegtay in ay u hakisay sababo musuqmaasuq.

Sidoo kale golaha xukuumada puntland ayaa taageeray qodobadii kasoo baxay shirkii madaxda maamul goboleedayda dhawaan ugu soo gabgabooya magaalada kismaayo, waxayna sheegeen in uu ahaa shir macna wayn leh.

Hoos ka dhagayso warbixinta ay Horseed Media ka diyaarisay warsaxafadeedka ay soo saareen golaha xukuumada Puntland