Xaalada Amni ee Muqdisho iyo Digniintii kasoo baxday Aqalka Sare – VIDEO

Published: September 11, 2018

Xili uu isniintii shalay weerar ismiidaamin ah lagu burburiyey gebi ahaan xaruntii degmada Hodan, ayaa waxaa isa soo taraya cabsida iyo walaaca laga muujinayo xaalada amni ee magaalada Muqdisho.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa furitaanka kalfadhigiisa dib loo dhigay sida lagu sheegay qoraal shalay kasoo baxay guddiga joogtada ah ee Aqalkaasi, iyagoo ku sababeeyey in arrintan la xariirto xaalada amni ee magaalada.

Waxay sidoo kale guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare sheegeen in meel xun ay mareyso khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay inay bilaabayaan dadaal ay doonayaan inay xal ugu raadiyaan arrimaha cakiran ee nidaamka Federaalka iyo xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya Xukuumada Federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah Federaalka.

Arrintan ayaa kusoo beegmatay xili uu shalay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu sheegay in amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho uu faraha ka baxay, isagoona koox xildhibaano oo kusoo dhaweeyey Madaarka Addan Cade u sheegay inay is illaaliyaan oo ay ka fekeraan amnigooda.

Xubnaha dhaliilsan xukuumada Federaalka iyo qaabka ay u wajahday amniga caasimada ayaa sheegaya in ay salka ku heyso in gebi ahaan la burburiyey habkii ay ku shaqeyn jireen sirdoonka dowlada gaar ahaan hay`ada nabad sugida ee NISA, isla markaana laga garab dhisay ciidamo si gaar ah uga amar qaata xafiiska Raysalwasaare Xasan Cali Khayre, arrintaasi oo ay walaac weyn ka muujinayaan siyaasiyiinta mucaaridka ku ah xukuumada.

Maxamed Jeenyo
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *