Madaxweyne Farmaajo oo Addis Ababa uga qeybgalaya shirka IGAD

Published: September 12, 2018

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay u mba baxaan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia halkaas oo la filayo in ay uga qeyb galaan shir ay yeelanayaan wadamada ku bohoobay urur goboleedka IGAD.

Madaxweynaha ayaa marka uu gaaro Addis Ababa waxaa sidoo kale la filayaa in halkaas uu kulamo kula soo qaato madaxda ku sugan Addis ee ka qeyb galaysa shirka wadamada ku jira urur goboleedka IGAD ee la filayo in uu ka qabsoomo caasimada Ethiopia.

Ajandeyaasha guud ee looga hadlayo shirka ayaa la sheegay in ay qeyb yihiin soo afjaridda colaada ka taagan dalka Koonfurta Sudan iyo ansixinta heshiis ay wada gaaaraan dhinacyada isku haya siyaasada dalkaasi,waxaana sidoo kale qeyb ah shirka gorfeynta isbadalada ka soconaya dalalka gobolka iyo isku soo dhaweynta dalalka Eritrea iyo Jabuuti oo khilaaf uu ka dhaxeeyo.

Soomaaliya oo xubin ka ah urur goboleedka IGAD kana mid ah aas aasayaasha ururkaasi ayaa door weyn ku leh ka go’aamada kasoo baxa shirarka IGAD iyadoona kaalin weyn ka qaadatay isku soo dhawaanshiyaha dalalka geeska Afrika gaar ahaan Jabuuti iyo Eritrea oo mudo kudhawaad 20-sano ay colaad ka dhaxeysay.

Tobon sano kadib ayaa la filayaa in dowlada Eritrea ay dib ugu biirto dalalka qeybta ka ah urur goboleedka IGAD,waxaana shir hordhac ah oo wasiirada arimaha dibada IGAD ay ku yeelanayaan Addis Ababa markii horeysay mudo tobonaan sano ah ka qeybgalaya xubno ka socda dowlada Eritrea.

Horseed Media 2018

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *