Maxaa sabab u ah khilaafka dowlada iyo D/goboleedyada-Dhageyso

Published: September 12, 2018

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay shirkii madaxda maamul goboleedyada isla markaana laga soo saaray warmurtiyeed ayaa waxaa soo ifbaxaya khilaaf u dhexeeya madxda maamul goboleedyada iyo dowlada federaalka soomaaliya kaasoo marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareeeraya.

Shalay oo ay ugu dambeysay maamulada Pun tland iyo koonfur galbeed ayaa war ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in gabi ahaanba ay hakiyeen wada shaqeyntii hay`adahooda ay la lahaayeen dowlada federaalka soomaaliya

Khilaafka hareeyay madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada dhexeya waxa uu marayaa heerkii ugu xumaa oo madaxda maamul goboleedyada ay sheegaan in ay jarayaan wadashaqeynta ay la leeyihiin dowlada dhexe ee dalka

Hadaba Professor Cabdiraxmaan Cabdulaahi Daqare oo kamid ah dadka sida aadka u falanqeeya siyaasada soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Horseed media kaga hadlay khilaaf xiligan u dhexeeyay madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo dowlada federaalka

Professorka ayaa khadka taleefanka ugu waramay Faadumo Abuukar Cabdi

Hoos ka dhageyso wareysiga Proff

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *