Gudoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay musharixiin u taagan doorashada Koonfur galbeed-

Published: September 13, 2018

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa habeenimadii xalay xafiiskiisa ku qaabilay musharaxiin u taagan xilka Madaxweynenimo ee maamulka Koofur Galbeed.

Mudo saacado ah oo uu kulanka socday ayaa lagu gorfeeyay xaaladaha uu wajahayo maamulka Koonfur galbeed iyo is bedel doorasho oo ka hanaqaada maamulkaasi doorashada la filayo in bisha November ay ka qabsoonto Koonfur galbeed.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan uu musharaxiinta u soo jeediyay in ay midoobaan isla markaana la yimaadaan tanaasul ku aadan doorashada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Musharixiinta kulanka kasoo muuqday waxaa kamid ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horey iskusoo dhiibay dowlada iyo wasiirkii hore ee maaliyada dowlada federaalka Soomaaliya iyo xubno kale oo sida la ogyahay kamid ah musharixiinta u taagan doorashada madaxtinmo ee maamulka Koonfur galbeed.

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo sida la fahamsan yahay kamid ah musharixiinta u taagan qabashada hogaanka ugu sareeya maamulka Koonfur galbeed balse aan si rasmi ah ugu dhawaaqin musharaxnimadiisa ayaa sida muuqata damacaaniya in uu ka qeyb galo doorashada dhaceysa bisha November ee soo socota.

Maalinta sabtida ah ee soo socota ayaa la filayaa in Musharaxiinta madaxtinimo ee maamulka Koonfur galbeed ay u amba baxaan magaalada Baydhabo halkaasi oo maalmaha soo aadan ay ka bilaabi doonaa ololohooda dooorasho.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *